DAAWO SAWIRADA:Sirdoonka Itoobiya oo shaaciyey Magacyada xubno ka tirsan Alshabab & Daacish oo Dalkaasi lagu qabtay

0
190

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo doonayey inay ka howlgalaan gudaha dalka Itoobiya.

Faahfaahin ku sabsan Xubnaha lagu qabqabtay Itoobiya ayaa laga sii daayey warbaahinta dowladda Itoobiya, iyadoo la sheegay in xubnahaasi ay damacsanaayeen falal argagaxiso oo ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi; waxaana laga soo qabtay magaalooyinka Addis Ababa, Jigjiga, Diridhaba iyo Mooyaale, iyadoo ay ka mid yihiin dad kasoo jeeda dalalka Soomaaliya (Somaliland, Puntland), Yemen iyo Suuriya.

Laanta sirdoonka Itoobiya ayaa sheegtay in laamaha amniga ay qabteen shaqsiyaad ka tirtsan ururrada Al-shabaab iyo Daacish oo u diyaar garoobayey sidii ay falal argagixiso oo khasaare weyn geysta uga fulin lahaayeen gudaha dalka Itoobiya.

Qaar ka mida qabashada xubnahan waxaa gacan ka geystay maamulka Somaliland, waxana lagu qabtay magaalada Hargeysa. Waxaa la sheegay in xubnaan ay koontooyin ka furteen bangi ku yaalla dalka Itoobiya, iyagoo dhigtay lacag 2.5 milyan oo birrta Itoobiya ah.
Xubnaha Kooxda Al-shabaab ee la qabtay waxaa hoggaaminayay Maxamed Cabdullahi oo watay magac been abuur ah kaas oo ah Yaxye Cali Xasan, waxaa uu Itoobiya ka galay dhinaca Dalka Jabuuti, waxaa la xiray isagoo sawirro ka qaadayey Garoonka Bole ee Adis ababa. Laba Nin oo kale oo la shaqeynayay, laguna kala magacaabo Abdek Maxamed Xuseen iyo Ridwaan Maxamed ayaa Itoobiya ka galay dhinaca Dalka Jabuuti, waxaa kaloo gacanta lagu dhigay Sumter Maxamed Imaan Yuusuf.

Dhinaca Kooxda Daacish ayaa waxaa ay Itoobiya ka galeen Hargeysa iyaga oo ka baxay Koofurta Soomaaliya sida ay shaacisay Hay’adda sirdoonka NISS ee Itoobiya. Dhinaca kale waxaa lagu qabtay Somaliland xubno ay ka mid yihiin: Isaaq Cali Sadden oo watay ID-kaar beer abuur ah oo uu ugu qornaa Magaca Ibraahim Cali Aadan, kan soo jeeda degaanka Soomaalida Itoobiya.

Laba qof oo kale oo ka tirsan Daacish ayaa lagu kala qabtay degaanka Chercher oo ka tirsan Gobolka Oromada iyo Mooyaale oo ka tirsan Gobolka Soomaalida.

Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sheegtay in xogta kooxahan ay la wadaagtay Maamulladda Somaliland, Puntland, iyo dowladaha kala ah Jabuuti, Mareykanka, Talyaaniga, Faransiiska iyo Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here