DAAWO SAWIRADA:Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

0
126

Waxaa maanta ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho qarax gaari kaasi oo dhawaaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal qaraxa ayaa ahaa mid ka dhashay qarax lagu soo xiray gaar nooca loo yaqaan NOHA. Gaariga ayaa ku qarxay Wadada laamiga ee Ex-Koontarool, waxaana la sheegay in Gaariga uu doonayay in halkaas uga gudbo Xerada Ciidanka Asluubta oo ku taalla halkaas.

Ciidamo ku sugnaa halkii qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in gaariga ay ka shakiyeen ka dibna rasaas dhowr ah ay ku fureen Gaariga. Gaariga ayaa markii dambe uu qarxay.

Gaariga qarxay ay la sheegayaa in ay lasocdeen laba ruux iyo Darawlkii waday,waxaana la sheegay in Ciidanka amniga mid kamid ah ay toogteen raggaas. Waxa sidoo kale la sheegyaa in mid ka midii saarna gaariga uu baxsaday.

Askar dhow ah oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaas,waxaana la sheegayaa inuu jiro Khasaaro kale oo soo gaaray dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa. Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan dowlada oo ka hadashay qaraxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here