WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOOMAALIYA oo iska moosay sheegashada Ahlu sunna ahayd in Dowladda Dhexe burburisay heshiiskii labada dhinaca, Daawo isagoo faahfaahinayo qodobada Heshiiska

0
116

Wasiir Sebriye ayaa Bulshada Dhuusamareeb uga war bixiyey waxa uu ku saabsanaay iyo qodobada uu ka koobnaay heshiiskii ay bil ka hor wada galeen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo Xukuumadda Federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hir galisay dhamaan qodobadii lagu heshiiyey, markii laga reebo hal qodob.

Halkaas qodob ayuu ka gaabsaday Wasiir Sebriye inuu la wadaago Bulshada, balse waxa uu sheegay inaan wali la gaarin dhaqan galinta qodobkaas.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin dhismaha maamulka Galmudug, isu keenida Ergada ka qeyb galeysa shirka Dhuusamareeb iyo soo xulidda Xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo sida uu sheegay ay ku gor-gortamayaan.

Hadalka uu Xalay Dhuusamareeb ka jeediyey Wasiirka arimaha gudaha 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here