Dowladda Somalia oo Diyaarado sida Ciidamo cusub, Hub & Gaadiidka ‘Bulletproof’ ka dejisay Dhuusamareeb

0
89

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka dowladda Somalia ay magaaladaasi u dirtay diyaarado sida ciidamo, hub iyo gadiidka ay madaxdu adeegsadaan ee aanay rasastu karin ee ‘Buletproof”-ka loo yaqaan.

Diyaaradaha saaka ka degay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaryaa ilaa shan duulimaad, waxaana ay xoojin u tahay ciidamadii ay hore u geysay halkaasi dowladda Somalia oo la wareegay amniga caasimadda Galmudug, waxaana la filayaa inuu dhowaan halkaasi gaaro Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Somalia ayaa sii xoojisay gacan ku heynta ciidamadeeda ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana la go’doomiyey hoggaamiyaha Ahlu Suna Macalin Maxamuud Sheekh Faarax oo kasoo horjeeday tallaabada Dowladda Somalia, kadib markii ciidamadii Ahlu suna ay intooda badan la wareegtay dowladda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here