Wasiir hore oo maqaal la yaab leh ka qoray sabab uu ku eryey R/W Xasan Cali Khayre

0
169

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cismaan ayaa maqaal la yaab leh ka qoray waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan tayada Jaamacadaha ku yaalla dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey waxbarashada Soomaaliya Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya.

Cabdi Daahir Cismaan ayaa xilkiisa ku waayey arrinta Jaamacadaha, kadib markii uu sheegay in dhammaan Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho aysan aqoonsaneyn wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, taas oo dhalisay dibadbxayo sababay in Ra’iisul wasaare Khayre uu shaqada ka eryo.

Halkan hoose ka aqriso:
Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ma u baahan yihiin dib u eegis dhab ah?

Hordhac

Maalgelinta waxbarashada muhiim uma ahan oo keliya kobaca dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada, laakiin waxay muhiim u tahay oo go’aamisaa guusha iyo horumarka gaar ahaaneed ee qofka shakhsiga ah iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba, sidaa daraaddeed, haddii la doonayo in waxbarashada la siiyo mudnaanta ay leedahay, waxaa loo baahan yahay in loo arko inay tahay mas’uuliyad wadareed. Soomaaliya 30kii sano ee la soo dhaafay, maalgelinta xagga waxbarashada aad ayay u yarayd oo kuma filnayn baahida waxbarasho ee uu dalka ka jirtay, taasina waxay gorgortan weyn gelisay tayada waxbarashada oo kol horeba liidatay. Maalgelinta ugu weyn ee waxbarashada Soomaaliya waxay ka timaadaa waalidka iyo bulshada, iyo kaalmo/sadaqo laga helo dunida. Waxaa mahad weyn iska leh oo aan la illoobi karin dadka Soomaaliyeed oo sida gaarka ah mas’uuliyad isaga saaray oo u guntaday soo celinta waxbarashada dalka xilli aad u adag oo ay dalka la soo gudboonaadeen caqabado waaweyn oo xag walba ah. Laakiin waxaa muhiim ah inaan marnaba laga leexan ujeeddooyinkii asalka ahaa ee ay aaminsanaayeen dadka Soomaaliyeed ee aan kor ku soo xusnay ee u kacay waxbarashada dalka. Taasoo ay ugu horreyso in malaayiin carruur Soomaaliyeed ah la siiyo fursad waxbarasho si aysan uga harin tartanka ay kula jiraan carrurta facooda ah ee ku nool dunida. Arrintani waxay taageereysaa, taariikhda waxbarashada bani’aadamka iyo sida ay ku billaabatay waxbaridda carruurta iyo dhallinyarada. Taariikh ahaan, ujeeddooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasi jiray xarumaha waxbarashada, waxaa gundhig u ahaa bani’aadminimo, niyad wanaag iyo horumarinta bulshada, haddiise meesha laga saaro ujeeddooyinkaas asalka ah, waxaa soo muuqanaya oo keliya ujeeddooyin gaa-gaaban oo aan dhiirigelineyn ruuxda kuwa ka shaqeynaya, waxbarashaduna waxay u idlaaneysaa inay noqoto, mid lumisa hadafkeedii, oo aan lahayn tayo aqooneed islamarkaana tixgelineysa danaha gaarka ah ee ay leeyihiin kuwa ku adeegta, danahaasoo ay ka mid yihiin inay ku helaan magac iyo ribix muuqda oo keliya. Xaaladda noocan ah waxaa ku qancaya milkiilayaasha dheef doonka ah, kuwaasoo ka fekereya oo keliya sidii ay magacooda u muujin lahaayeen ama jeebkooda u buuxin lahaayeen, waxaa gorgortan galaya tayada waxbarashada, waxaana ku hungoobaya maskaxda iyo caqliga jiilal badan.

Ganacsiga waxbarashada iyo saameynta uu ku leeyahay tayadeedaNasiib daro, labaatankii sano ee la soo dhaafay, guud ahaan waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaana tacliinta sare waxay ku caan baxday in uu hadafkeedu noqday sidii looga heli lahaa faa’iido dhaqaale oo muuqda oo keliya, waxaana arrintaa caddayn u ah, jaamacadaha tobannaanka darsin gaaraya ee dalka laga furay, kuwaasoo tusaale u ah goobaha looga ganacsado tacliinta sare ee dalka. Tani waa arrin murugo leh iyadoo ku soo beegantay waqti ay dalalka dunidu ku tartamayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada hay’adahooda tacliinta sare. Waxaa sidoo kale naxdin leh inuusan muuqan dadaal ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa tayada hay’adaha tacliinta sare ee dalka, iyadoo dadaalka iyo tartanka ugu weyn ee ka dhex socda Jaamacadaha dalka uu yahay sidii ay u soo xareysan lahaayeen arday tiro badan, ujeeddada uga weyn ay ka leeyihiina ay tahay keliya sidii ay dhaqaale uga heli lahaayeen. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay kor u dhaafayaan 120 jaamacadood, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay 10ka dal ee ugu hooseeya dunida marka laga hadlayo aqris-qorista, arrintani waxay su’aal weyn ka keeneysaa kalsoonida siyaasadda hageysa nidaamka waxbarashada dalka iyo inay siyaasaddaasi ku qotonto qorshe iyo sahan dhab ah oo cilmiyeysan (Eeg, shaxda1. Isbarbardhigidda tirada jaamacadaha Soomaaliya, Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya). Haddii aan tusaale u soo qaadanno dalka Kenya oo tirada dadkiisu saddex jeer ka badan tahay tirada dadka Soomaaliya, isla markaana darajada akhris-qorista dadkiisu ay kor u dhaafeyso 79%, waxaa uu leeyahay qiyaastii in ka yar nus jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya. Waxaa kaloo iyadana tusaale wanaagsan loo soo qaadan karaa dalka Woqooyiga Korea oo tirada dadkiisu ay laba jeer ka badan tahay tirada dadka Soomaaliya, isla markaana darajada akhris-qorista dadkiisu ay tahay 100%, isaguna wuxuu leeyahay sidoo kale qiyaastii in ka yar nus jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya. Shaxda1. Isbarbardhigidda tirada jaamacadaha Soomaaliya, Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya
Magaca dalka Tirada dadka Heerka aqsis-qorista Tirada Jaamacadaha

Dowladda Gaarka loo leeyahay Wadar

Soomaaliya 12,000,000 37% 1 120 121
Kenya 48,000,000 79% 20 36 56
Woqooyiga Kuuriya 25,000,000 100% 66 0 66
Waxaa dhab ah in la isku raacsan yahay in ay jaamacaduhu calaamad u yihiin ilbaxnimada iyo cilmi ururinta, waxaana laga filayaa inay noqdaan muraayadda sharfta oo ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka caalamiga ah ee cilmiga loo dejiyay. Jaamacadda wanaagsan waxaa lagu kala miiraa fikradaha aqooneed ee kala duwan, waxaana saldhig u ah cilmi baaris dhab ah iyadoo la raacayo hannaan cilmiyeysan oo leysku waafaqsan yahay. Waxaa kaloo la isku raacsan yahay in isbeddelka iyo horumarka waxbarashadu uusan ahayn mid degdeg ah, ee uu qaadanayo muddo dheer, si tartiib-tartiib ahna ku yimaado. Si looga keeno natiijooyin wax ku ool ah, waxbarashada casriga ah waxay u baahan tahay in la raaco nidaam gaar ah, kaasoo ku saleysan marxalado iyo taxane waxbarasho oo da’ ku qotoma, kuna yimid waaya’aragnimo iyo xikmad, marxaladahaas iyo taxanayaashaas oo is dhisaya, la’aantoodna ay adag tahay in la gaaro natiijooyinka laga sugayo waxbarashada.

3. Waxbarashada iyo tacliinta dalku waxay ku dhisan tahay xaalad degdeg ah oo keliya

Soddonkii sano ee ugu dambeysay, xaaladda waxbarsho ee dalka Soomaaliya waxay ahayd mid degdeg ah oo ku dhisan nidaam waxbarasho oo aan tixgelin siineynin marxaladaha iyo taxanayaasha waxbarasho ee caalamiga ah ee la isku raacsan yahay. Sabababaha ugu waaweyn ee arrintan keenayna waxaa ka mid ah; waxaa meesha ka baxay mas’uuliyaddii sharciga ahayd ee xagga nidaamka dowladda iyo tii dhaqanka iyo damiirka la xiriirtay ee bulshada, taasoo keentay in ay waxbarshadii ganacsi noqotay, lana waayay cid ilaalisa tayadeeda; iyo baahida waxbarashada oo aan la soo koobi karin, isla markaana la adeegsanayay hannaan walba oo looga jawaabi karo, fursadna loo siin karo carruur badan. Arrintani saameyn xooog leh ayay ku keentay waxbarashada dalka gaar ahaan xagga tayada iyo maamulkeedaba,

waxaana durbadiiba soo muuqatay in pyramidka waxbarashada Soomaaliya dhanka kale loo rogay, taasoo keeneysa in ardayda galaysa jaamadaha dalka ay ka badan yihiin kuwa ka soo baxaya dugsiyada sare. Tani waa arrin aan caqliga gali karin oo fasiraad weyn u baahan, haddii tirada ardayda galaysa jaamacadaha ay ka badan yihiin kuwa ka soo baxaya dugsiyada sare, sua’aasha is weydiinta leh waxay noqoneysaa, xaggee ayay ardayda dheereedka ahi ka yimaadeen. Dhanka kale, haddii xaaladdu sidaa tahay, waxay u muuqataa in marka ay ardayda oo idil wada galaan Jaamacadaha, weli waxaa jira Jaamacado dheeraad ah oo arday badan sii qaadan kara. Arrintaasina suuragal kama ahan dunida kale, waxayna u muuqata mid aan la jaan qaadi karin oo aan loo barbar dhigi karin xaaladaha waxbarashada dalalka kale ee dunida.

Jaamacadaha dalku waxay u baahan yihiin inay hagaajiyaan nidaamkooda waxbarsho, gaar ahaan xagga tayada si ay u soo saaraan dhakhaatiir, ingineerro iyo xirfadlayaal kale oo muhiim u ah dib u dhiska iyo horumarka dalka. Tacliinta sare waxay macno yeelan kartaa oo keliya haddii nidaamka iyo manjahka waxbarashada jaamacaduhu ay la jaanqaadayaan oo ay tixgelin siinayaan hiigsiga fog iyo horumarka dhaqaale ee la doonayo in la xaqiijiyo, isla markaana lagu saleeyo kheyraadka uu dalku leeyahay. Hey’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya intooda badan wuxuu manjahkoodu ku qotomaa maaddooyin gaar ah oo ku dhisan koorsooyin aasaasi ah oo sahlan oo aan lahayn kakanaan cilmi oo gun dheer, waayo waxaa ka maqan awoodda aqooneed iyo tan dhaqaale ee lagu dhigayo maaddooyinka cilmiga ah ee muhiimka u ah horumarka dhaqaalaha dalka. Waa dhab in jaamacadaha qaarkood ay dadaalayaan ayna bixiyaan koorsooyin muhiim ah, laakiin waxay su’aal ka taagan tahay xagga tayada, arrintani waxay saameyn ku yeelaneysaa mustaqbalka ardayda ka soo bexeysa jaamacadaha dalka, sidaa daraadded, awoodda xirfadeed iyo tan tacliimeed ee ardaydani waxay noqoneysaa mid uu shaki ku jiro oo aan suuragal ka dhigi karin horumarka la doonayo in la gaaro, isla markaana aan tartan la gali karin ardayda ay soo saaraan jaamacadaha caalamka. Arrintani waxay ku soo aadeysaa iyadoo labaatankii sano ee la soo dhaafay, ay dunidu xoogga saareysay natiijada ardayda soo dhameysata tacliinta sare, gaar ahaan xirfadda iyo aqoonta la dabaqi karo. Maanta waxaa muhiim loo arkaa in ardayda ka soo bexeysa jaamacadaha ay helaan awood cilmi iyo mid xirfadeed oo caalami ah, si ay ugu tartamaan suuqyada shaqada. Tani waxay meesha ka sareysaa aragtidii waagii hore hore laga qabi jiray hey’adaha tacliinta sare, oo ahayd inay xoogga saari jireen oo keliya sidii ay u noqon lahaayeen kuwa bixiya waxbarasho taya sare leh oo salka ku haysa cilmi baaris dhab ah.

Gabagabo

Su’aalaha adag ee la doonayo in la is weydiiyo waxay la xiriiraan, dhanka tayada, dhanka sharciyadda iyo aqoonsiga, dhanka siyaasadda iyo maamulka waxbarashada, waxaana ka mid ah:

Haddii natiijada hay’daha tacliinta sare ee dalkeennu aysan jawaab u noqon karin dib u dhiska iyo horumarka xag walba ah ee uu dalku baahan yahay, isla markaana aysan caawineynin tartanka caalamiga ah ee suuqyada dunida, maxay noqoneysaa saameynta waxbarashada dalka?

Haddii aanay jirin ama aysan dhamays tirnayn habraacyada maamulka waxbarashada oo ay ugu horreeyaan siyaasadaha iyo shuruucda waxbarashada iyo tacliinta sare, isla markaana ay meesha ka maqan tahay istiraatejiyaddii lagu dhaqan gelin lahaa, maxay laga filayaa natiijada waxbarashada dalka?

Maxaa hor taagan in la toosiyo nidaamka waxbarashada dalka? Mase loo baahan yahay dib u eegis dhab ah oo dhameys tiran, iyo in dib loo qeexo hadafka iyo ujeeddooyinka waxbarashada dalka iyo natiijooyinka laga filanaayo? sidee ayaa arrintan lagu suuragelin karaa?

Miyaa la soo gaaray xilligii la qabanqaabin lahaa dood qaran oo lagu falanqeynayo xaaladda waxbarashada dalka maanta iyo jihada la doonayo inay u dhaqaaqdo mustaqbalka?

Mustaqbalka dhow, in ay Soomaaliya ka soo dhex muuqato liiska dalalka dunida ee lagu kalsoonaan karo hey’adohooda tacliinta sare, waxay ku xiran tahay natiijada ka soo baxda iyo sida looga jawaabo dib u eegista lagu sameynayo waxbarashada dalka iyo dhaqan gelinteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here