Madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya oo Sheeko Cajiib ah ka qoray Xaaladda dalka, (Aqriso)

0
370

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Janaraal Cabdiraxamaan Tuuryare ayaa bartiisa bulshada waxa uu soo dhigay qoraal kooban oo ku cabirayo dhibatada haysata shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka, gaar ahaan magalaada Muqdishu iyo rajo la’aanta la soo dirtay Shacabka Soomaaliya meel kastaa oo joogo.

Halkaan ka aqrsio qoraalkaas:

Marki aan qabtay Talefanki soo dhacaayay:-

” ScTaliye, waa wiil kula shaqeyn jiray magaciisuna yahay(……..) kaadibna tahriibay oo jooga Libiya, beri danbo ayan ku qoranahay Doon, Magafe ayaa aniga iyo sxbadey na heystay 9 bilood, rafaad badan ka dib ilaah wuu naga badbaadiyay ee waxaan kaa codsanayaa in aad hooyadey oo kaligey i dhashay kuna dhaawacantay Qaraxi agagaarka Hotel Afrik 2 asbuuc ka hor hadana ku jirta isbitaal Madina aad iigu gurmato, ma jiro qof umaqan Caawa ilaah ka sokow”….

Waxaan ku iri “waxa ugu weyn ee aan hooyadaa wax ugu qaban karayo waa in aan adiga kugu qanciyo in aad usoo noqoto hadaad iga aqbashana aan raadiyo wixi aad kusoo noqon laheyd hadaadan heysan ee ma igu caawineysaa in aan hooyadaa sidaas wax ugu qabto oo iyaduna aysan layacmin adiguna aadan halaagsamin”

Wuxuu igu yiri”adeer hooyo ayaa igu tiri ka carar halkaan wiilkeygiyow halaag ayaa socdee aan kala harnee, waxaan ka baqayaa hadaan soo noqdo in ay naxdinta ay ka naxdo soo noqoshadeyda sababsato ee ana iisoo ducee iyadana u gurmo”..!!

Waxan ugu jawaabay“waayahay maxaan aheyn oo iifuran adeer ….?!

Wiilka, hooyada iyo aniga yaa tala roon akhirstow?! Misa gaarnay xaalad ah in hooyo iyadoo dhaawac ah oo caawin u baahan ka naxdo soo noqoshada hal wiil oo ay ifka kaligii ka fiirsato kana doorbido in uu Badaha Tahriib ku jiiro?!.

Nin xil qaaday eed qaadyo,

xalay kama seexan xaalku siduu yahaye,

xal u hel xuduntii Xamaroo xaalku ku adkaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here