Kulankii xalay Farmaajo iyo Safiirka Itoobiya Jamaludiin maxa ka soo baxay?

0
426

Waxaa habeenkii xalay ahaa waqti danbe isku gaaray Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaludin Mustafa Cumar iyo MW Farmaajo. Kulankaan oo ahaa koodii sadaxaan oo ay yeeshaan mudo dhowr maalin gudahood ah ayaa waxa looga hadlayay xaalada ka tagaan magaalada Kismaanyo iyo qaabka ay Ciidamada Itoobiya ula wareegi lahaayeen qaybo ka mida magaalada Kismaanyo.

MW Farmaajo ayaa waxa uu horay u siiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ee jooga Soomaaliya gaar ahaan Madaxda Qaybta 2 iyo tan 3 aad ee AMISON kuwaas oo lagula heshiiyay in ay la wareegaan Garoonka Doyaaradaha ee Kismaanyo kaalina ka gaystaan qorshaha doorashada ee MW Farmaajo.

Ujeedada ka danbeeysa la wareegida Garoonka diyaaradaha ee Kismaanyo ayaa ahayd in madaxda Dowlada Fedaraalka ay si qasab ah ku yimaadaan magalaada Kismaanyo isla markaana ku dhawaqaan in doorashada lagu qabanayo garoonka diyaaradaha ee Kismaanyo. Sidoo kale ciidankaan ayaa la doonayay in loo adeegsado in ay soo xiraan Madaxweyne Axmad Madoobe.

Kulankii xalay ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ugu dhaqsiyaha badan leh ee ciidamada Itoobiya ula wareegi lahaayeen qaybo ka mida Kismaanyo. Kulan waxa sidoo kale ku soo biiray saacadihii danbe Taliyaha guud ee ciidan AMISOM Janaraal Tigabu Y. Wondimhunegn oo u dhashay dalka Itoobiya, shalayna ka baaqday in uu u safro magalaada Kismaanyo.

Sida la noo xaqiijiyay waxaa kulanka xalay qadka taleefanka la soo galiyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad kaas sheegay in ay adkaan doonto in ciidanka Itoobiya ay xoog ku qabsato magalaada Kismaanyo iyada oo ayan raali ka ahayn hogaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidamada Kenya.

Abiy Axmad ayaa u sheegay Farmaajo in uu magalaada Nairobi u diri doona la taliyihiisa amniga si looga soo dhaadhiciyo dowlada Kenya qorshaha Itoobiya. Abiy Axmad ayaa ku adkeeystay in uusan doonaynin in dowlada Itoobiya lagu eedeynin qalalaase siyaasadeed iyo mid dagaal oo ka dhaca Jubbaland. Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan rabin in labada ciidan ee Kenya iyo Itoobiya ee ku sugan Kismaanyo ay isku dhacaan.

Dhanka kale Janaraal Tigabu Y. Wondimhunegn iyaga isaga la go’aamiyay inuu maanta oo Axada uu u safro Kismaanyo hadii ayan suuragal u ahaynina uu sida u dhaqasiyaha u tago Kismaanyo oo uu isku dayo in uu qanciyo taliye ku xigeenka AMSION ee Sector 2 oo u dhashay dalka Kenya.

Farmaajo ayaan wali ka quusan in uu xoog ku soo xiro Axmad Madoobe isla markaana uu u magacaabo Jubbaland hogaan isaga ka amar qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here