Yaa fuliya dilalka iyo qaraxyada ka socda Xamar? Xabsida soo wajahday Siyaasiyiinta iyo Xubnaha labada Gole Muxuu yahay?Qadar iyo kaalinteeda, Halista amni ee Caasimadda.

0
235

Qaar ka mid ah dadka aadka uga dhow Dowladda Soomaaliya, Xildhibaano, dad madax banaan iyo Diblomaasiyiin aan la sheekeystay ayaa si isku mid ah igu xaqiijiyay in xilligan qaraxyada iyo dilalka abaabulan ee ka dhacaya dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho dhamaantood ay fuliyaan dad kireysan oo u shaqeeya Dowladda Qadar, mararka qaarkoodna Qadar ay adeegsato Shabaabka iyo Laamaha Sirdoonka Soomaaliya.

Ujeedada iyo qorshaha laga leeyahay arrimahan waa iska halkooda laakiin Labo Xildhibaan oo xalay iyo saaka aan la hadlay labadaba ka mid ah xubnaha taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa si kala gooni gooni ah igu sheegay in aysan shaki ka qabin in Dowladda Qadar fulinayso qaraxyada hase yeeshe ay adeegsanayso laamaha amniga rag ka tirsan iyo ururka al shabaab.

Mid ka mid ah Xildhibaanadaas ayaa ii sheegay in qaraxii ka dhacay Gobolka Banaadir xataa uga shaki qabo in Qadar ka dambeysay lagu raad tirayay eediii ahayd in Qadar Boosaaso dilal ka fulisay.

Waxaa la aaminsan yahay oo aan muran ka taagnayn in Fahad Yaasiin Kusimaha Madaxa Sirdoonka Soomaaliya uu ku xiran yahay Qadar, halka Zakariye Ismaaciil oo horey shabaabka ugu qaabilsanaa dilalka iyo Sirdoonka haatan ka mid yahay Madaxda Nabad sugidda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaate dagaalka Qadar iyo wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa waxaad moodaa in uu hadda ku dagaalamayan waa dalalkaas gudaha Soomaaliya.
Dalka Qadar ayaa ah dall weji badan oo siyaabo kala duwan uga xiran yahay kooxaha jihaad doonka ah iyo kooxaha wax iska caabinta halka Imaaraadka iyo Sacuudiga iyagana ay ku lug leeyihiin kooxahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here