Guddoonka Labada Aqal oo isku raacay sameynta Xeer Hoosaad ay ku wada shaqeeyaan

0
178

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Xildhibaanada labada Gole ayaa xalay shirkii labaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo kaga hadlay dardar gelinta wada shaqeynta labada dhinac, kaddib markii ay todobaadkii hore xal ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sameyn lahaa xeer hoosaad ka dhaxeeya labada Aqal, kaasoo sal u noqonaya wada shaqeyn dhex marta, iyadoo wada shaqeynta ay toos u dhex mari doonto Guddiyada Joogtada labada Aqal.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya looga fadhiyo inay xoojiyaan wada shaqeyntooda, maadaama la dhammeeyay kala aragti duwanaantii u dhaxeysay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa isna dhankiisa sheegay inay doonayaan in dardar geliyaan howlaha horyaala Baarlamaanka, isagoo si gaar uga hadlay arrinta dib u eegista Dastuurka oo ay doonayaan inay meel mariyaan Labada Aqal oo wadajir ah.

Isu soo dhowaanshaha ka dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa muujinaya mid ay ku doonayaan in awooddooda Dastuuri ah ay ku soo ceshadaan, ayna meesha ka saareen mad-madowgii iyo kala aragti duwanaantii u dhaxeysay ee sababay inuu hakad galo wada shaqeyntooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here