Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

0
158

Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaasoo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaayeen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sida wararku sheegayaan wafdigan ayaa isugu jira kuwa ka socda dalalka iyo Ururada taageera dowladda Soomaaliya, sida Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, UK, Turkey, Qatar, Jarmalka, Sweden, Norway iyo kuwa kale.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay kulamo la qaadan doonaan Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Maamulka Galmudug, iyagoo taageeri doona Shirweynaha dib u heshiisiinta ee dhowaan ka furmaya Dhuusamareeb.

Xubnaha Beesha caalamka ayaa sidoo kale goobjoog ka noqon doona shirarka la xiriira howlaha dhismaha maamulka Galmudug, iyo xoojinta dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here