Axmed Madoobe “Gorgortan kama galeyno Doorashada Jubbaland

0
122

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn doorashooyinka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa caddeeyay inuu go’aansaday in mas’uuliyadda Doorashada ay gebi ahaan leedahay Jubbaland, waxaana looga digay dowladda federaalka inay faragelinta ka joojisay maamul Goboleedka Jubbaland, iyadoo qaadi doonto wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha falalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here