Laba sano kadib maxaa ballan-qaadkii 8-da qoob ee Kheyre ka fulay?

0
245

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la magacaabay 23-kii bishii Feb. 2017, waxa uuna Kalsoonida Baarlamaanka uu helay 1-dii bishii Marso 2017.

Khubadii ugu horreysay ee uu jeediyo waxay aheyd midi uu ku soo bandhigay Barnaamijkiisa siyaasadeed ee dalka isagoo hortaagan Golaha Shacabka. Kheyre ayaa sameeyay ballan weyn waxaana ugu weynaa 8 qodob oo kale.

Gurmadkii qaran ee Abaaraha Soomaaliya sanadkii 2017-kii
Wax ka qabashada arimaha Amniga
Dhisidda Ciidan qaran iyo xasilinta dalka
La dagaalanka Musuq maasuq iyo hagaajinta mamulka iyo maareynta
Hirgelinta cadaaladda iyo dhismaha Garsoorka
Dhameestirka dasuurka iyo federaaleynta dalka iyo hergelinta azxaab siyaasadeed
Doorashooyin dalka ka dhaca heer federaal, heer gobal iyo heer degmo
Dib u heshiisin, mideynta dalka iyo wadashaqeynta dalka
Warbixintaan waxaan ku eegi doonnaa waxyaabihii uga qabsoomay 8-dii qodob ee uu ballan qaaday 2 sano ka hor Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo sanadkii 3aad bilooyin ka qaatay.

Gurmadkii qaran:-Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo bilooyin dhisan waxay ku guuleysatay Gurmadkii Qaran ee Abaaraha dalka ku dhuftay sanadkii 2017. Waxayna lacagtii ugu badneyd iyo gurmadkii ugu weynaa ay gaarsiiyeen malaayiin Soomaali ah oo wajahayay xaalado aad u adag. Gurmadka Qaran Waa mid kamid ah Ballanqaadyadii Kheyre oo guuleestay.
La dagaalanka musuq maasuq iyo hagaajinta mamulka iyo maareynta: Kheyre ayaa sidoo kale dagaal weyn la galay Musuq Maasuq, iyadoo loo xiray Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo dowladood. Inkastoo wali musuq maasuqa lacagta jira lana sheego inuu ka jiro xafiisyada sare ee dowladda hadana waxa uu maanta joogaa heerkii ugu hooseyay Soomaaliya markii loo eego sanadihii ugu dambeeyay ee musuq maasuqa Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya la dagaalanka musuq Maasuqa waxay ku koobtay oo kaliya lacagta la lunsado oo kaliya balse waxba kama aysan qaban musuq maasuq kale ee ku saleysan nin Jecleysiga, qaraaba kiilnimada iyo qaababkale ee wax loo musuq maasuqo. Waxaan oran karnaa arinta la dagaalanka Musuq maasuqa Kheyre wax fiican ayaa ugu bilaaban.

Kheyre ayaa ku guuleestay hagaajinta maamulka iyo maareynta waxa uuna hagaajiyay is bar bar yaac xoog leh oo ka jiray dhanka maaliyadda. Tusaale wixii lacag ah hadda waxaa u idman Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo xafiisyo ku leh oo meel kasta oo lacag ka soo gasho dowladda halkii markii hore wasaarad kasta goonigeeda ay lacagta u qaadi jirtay.

Door-weyn ayey Xukuumadda Kheyre ka qaadatay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha waxayna dowladda ku baastay dhamaan sharuudihii deyn cafinta Soomaaliya. Waxaa muuqata rajo wanaagsan oo Soomaaliya deymaha looga cafin karo.

Dhisidda Ciidan Qaran iyo Xasilinta dalka: Dhismaha Ciidan Qaran waa mid kamid ah waxyaabihii uu ballan qaaday Xasan Cali Kheyre isagoo hortaagan Baarlamaanka Soomaaliya maanta waxaa la oran karaa waxa uu ka gaaray guul-weyn inkastoo ay wali wax dhimanyihiin.

Xukuumadda Kheyre waxay ku guuleysatay qeyb kamid ah dhisidda Ciidamo Qaran oo ka kooban Booliis iyo Milateri. Ciidamada dowladda hadda waxay mushaar ku qaataan qalabka electronic oo markii ugu horreysay laga sameeyay Soomaaliya. FIIRO GAAR AH Gurmad Media waxay cadeyneysaa in ay jiraan cabasho ay qabaan Ciidamada Qaar balse Xukuumadda waxey sheegtay in ay weli wado diiwaan gelinta Ciidamada harsan. Dhismaha Ciidamada waxaa muuqata in Xukuumadda ay wax wanaagsan ka qabatay.

Xasilinta dalka: Qodobkaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kuma guuleysan waxaana muuqata in dalka aysan ka jirin xasilooni amni. Goobo badan ayaa waxaaa dib u qabsaday Al-shabaab halka degaano kalane ay wajahayaan amni darro iyo cabsi weyn. Labadii sano ee la soo dhaafay waa ku fashilantay qodobkaan laakiin waxaa u harsan waqti ay ku qaban karto.

Amniga: Amniga waxa uu ahaa ballanqaadkii ugu weynaa Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaana la ogyahay in ay dowladda ku fashilantay gabi-ahaanba qodobkaan. Amaanka dalka oo ay ugu horreyso Muqdisho waxa uu marayaa meel kamid ah waqtiyadii ugu xumaa mana muuqato wax ay Xukuumadda Kheyre ka qabatay arimaha amniga. Qodobkaan xataa bilaaw fiican maleh lamana oga mudada harsan sida ay u wejihi doonto.

Hirgelinta cadaaladda iyo dhismaha Garsoorka: Garsoorka iyo Cadaaladda oo ah halka boogada ama nabarka ugu weyn ee Soomaaliya ka jirto ayaa kamid ah waxyaabihii uu ballan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waana qodob kamid ah waxyaabihii uu ku guul dareestay 2dii sano ee la soo dhaafay.

Kheyre xataa bilaaw wanaagsan kama sameynin garsoorka dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed wali qabaan kalsooni darro iyagoo qaarkood u cadaalad doonta Al-shabaab. Xukuumadda wali waxey heysataa fursad ay ku sixi karto nidaamka garsoorka Soomaaliya oo maraya meel aad u liidato.

Dhameestirka dasuurka iyo federaaleynta dalka iyo hergelinta Axzaab siyaasadeed: Qodobkaan waxaan u kala qaadeynaa 3 qeyb oo kala Dastuur-ka, Federaaleynta iyo Axzaabta siyaasadeed. Hadii aan ku hor maro dhameestirka Dastuurka, Xukuumadda Kheyre waxay ka gaartay guulo wanaagsan waxaana lagu dib u eegis lagu sameeyay CUTUB-yada ugu badan ee dastuurka waxana la filayaa in inta dhiman sanadkaan lagu dhameeyo.

Federaaleynta: Qodobkaan Xukuumadda Kheyre waxay sameysay cagsigiisa waxayna dagaal weyn la gashay Federaalka ama maamul gobaleedyada dalka. Xukuumadda Kheyre wali waxay wadaa dagaalka ka dhanka maamul gobaleedyada mana jirto hal dowlad gobaleed oo ay heshiis yihiin. Gurmad Media waxay xaqiijineysaa in ay jiraan dagaal lamid ah kan Xukuumadda iyo caqabado kale oo ay dowladda dhexe kala kulmeyso maamulada dalka ka jira oo aan dagaalka aheyn Xukuumadda oo kaliya.

Hergelinta Axzaab Siyaasadeed: Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee dalka hogaamiso qodobkaan waa ku guuleysatay waxaana dalka ka jira 30 Xisbi siyaasadeed oo KMG ah. Dhismaha nidaamka Xisbiyada waxaa bar bar socda caburin iyo cabsi gelin ay wado Xukuumadda Soomaaliya waxaana loo geysnayaaa Xisbiyada siyaasadeed iyo dhinacyada kale mucaaradka ah.

Doorashooyin dalka ka dhaca heer federaal, heer gobal iyo heer degmo:-dhamaan qodobadaan Xukuumadda midkoodna kuma guuleysan waxaana mudadii ay joogtay dalka ka dhacay 2 doorasho oo kala ahaa KGS iyo Puntland. Door kuma laheynd oorashadii Puntland dowladda Soomaaliya waxaana agaasintay maamulkaasi halka doorashada KG Xukuumadda lagu eedeeyay in ay si qaldan u maamushay oo ay geysatay shaqsi ay u hurtay maal iyo muruq.

Dib u heshiisin, mideynta dalka iyo wadashaqeynta dalka: 3-daan qodob midkodna Xukuumadda Kheyre kuma guuleysan xataa waxba ugama bilaawna. Dalka waxaa ka jira colaado sokeeye mana jirin waxyaabo ay ka qabatay Xukuumada 2-dii sano oo ee la soo dhaafay. Mideynta dalka sidoo kale ma jirto wax laga qabtay walina ma bilaaban wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland. Wadashaqeynta dalka, ma jirto wax wadashaqeyn ah oo dalka ka jiro waana mid kamid guul darooyinka waa weyn ee Xukuumadda Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here