15 sano xabsi ah ayaa lagu xukumay, Sababta Maxay tahay?

0
132

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun adag ku riday nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa la xiray bishii Fabruary ee sanadkan, kadib howlgal laga sameeyay magaalada Muqdisho

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in ninkani Kooxda Al-Shabaab uu u qaabilsanaa kala gudbinta hubka fudud ee lagu geysto dilalka qorsheysan.

Xuseen Dheer ayaa la sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray bilowgii Augusta ee sanadkii hore, islamarkaana ay ku tashkiiliyeen labo ka tirsan Ehelkiisa.
Sida ay shaacisay maxkamaddu ninkan ayaa saddex jeer magaalada u kala gudbiyay hub uu ka soo geliyay gobolka Shabeelada Hoose, islamarkaana uu rag kale oo ka tirsan Al-Shabaab ugu geeyay xaafadaha Towfiiq, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha ee Muqdisho

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda u horkeenay cadeymo muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo boorsadii uu ku qarinaaye, qiraalka eedeysanaha iyo markaatiyaal ay ku jiraan ciidamadii amniga ee soo qabtay.

Sidoo kale Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn karin gacan siin, maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka ciidamada weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa saaka go’aan ka soo saaray, waxa ayna maxkamaddu ku xukuntay shan iyo toban Sano oo xabsi ciidan ah sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddii uusan ku qanacsaneen xukunkan Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here