Ciidama sirdoon oo loo sameynayo Booliska iyo NISA & Xasuuq cusub

0
121

Dowladda Qatar aya maalgelineysa in Dowladda Soomaaliya ay qortaan dhalinyaro cusub oo Jaamciyiin ah iyo kuwa ka soo baxay Dugsiyada Sare, kuwaas oo loo diyaarinayo in ay noqdaan Sirdoonka Booliiska Soomaaliya iyo hey’adda NISA.

Saraakiisha Booliiska iyo Nabad Sugidda ayaa sheegay in guulo wanaagsan ay soo hoyeen dhalinyaro dhowr boqol ah oo si tijaabo ah looga howlgeliyay hey’adda NISA islamarkaana ay si wayn uga soo muuqeyn dedaallada nabad-galyada Muqdisho lagu raadinayo.
Ujeedka qarsoon ee loo maalgelinaayo dhalinyarada cusub ee loo qoraayo hay’adda NISA aya ah in lagu caburiyo shacabka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Farmaajo iyo Kheyre, waxaana dhalinyaradan laga soo xulaya gobolada dhexe iyo gobolka gedo sida NEWSOMALI ay ogaatay.

Xildhibaanada taageersan xukuumadda aya la siinayaa fursad ah in ay soo xulaan dhalinyaro ku hayb ah oo ay ku kalsoon yihiin aqoon ilaa dugsi sare leh, islamarkaana aysan noqon kuwa Balwad leh.

Fursadaan lama siinin Xildhibaanada oo dhan balse waxaa la sheegay in la siiyay xubno kooban oo ku xiran Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda Qatar oo si tijaabo ah Barnaamijkaan uga fulisay Xafiiska NISA ayaa la sheegay in hadana si tijaabo ah dhowr kun ugu qoreyso Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa aan badneen oo lagu biirinayo hey’adda NISA.

Qatar ayaa la sheegay in ay bixin doonto Tababarka iyo xuquuqda kale ee Ciidamadaan waxaana la soo marsiin doonaa Xukuumadda Soomaaliya.

Fursadaan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxaa loo arkaa in ay muhiim u tahay ammaanka magaalada Muqdisho oo hadda mararka qaar marti geliya dilal iyo Qarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here