1 da Luuliyo kala qeybsanaan weyn ayaa ka jirta dalka, halka Farmaajo ku fashilmay in maalintan oo keliya mideeyo, Daawo Sawirada Xaflad Villa Soomaaliya isku sacab tumaysay

0
135

Iyadoo habeenkii xalay ahaa guud ahaan dadka Soomaaliyed xusayan maalinta xoriyadda soomaaliya ayaa waxaa muuqata dhinaca kale kala qeybsanaan shacabka iyo Siyaasiyiinta talada haaya iyo kuwa mucaaradka iyadoo koox weliba goonigeeda u qabsatay xaflad.

Munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya ayaa sida muuqata waxaa ka soo qeybgalay oo keliya xubnaha Dowladda iyadoo caasimada dalka ay ku sugan yihiin rag Madaxweynayaal ahaa oo dalka soo maamulayay iyo Siyaasiyiin waa weyn hase yeeshe kala qeybsanaanta jirta awgeeda loo kala fogaaday.

Xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi ayaa maanta la xusayaa iyadoo dalka weli gumeysi ku jira oo kala daadsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here