Farmaajo oo ku haminaayo in loo fara maroojiyo Axmed Madoobe iyo Fariintii uu Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Xamar keenay

0
308

Madaxweynaha SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Ahmed Shide.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide ayaa xamar u tagay sidii Farmaajo u ogolaan lahaa wada hadal uu la gala Dowladda Kenya oo xiisad kala dhaxeysa Soomaaliya isagana waa Farmaajp gacan lagu siiya sidii Axmed Madoobe looga saari lahaa Kismaayo..

Fariintii uu xambaarsanaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa laga aqbalay laakiin Farmaajo ayaa waxaa uu Itoobiya ka codsaday in meesha laga saaro Axmed Madoobe doorashada ka hor ama in la taageero Musharax Dowladda wadata isla markaana amniga Kismaayo la wareegan Ciidamada Amisom.

Farmaajo ayaa geed dheer iyo geed gaaban u fuulaya sidii Axmed Madoobe looga adkaan lahaa, haatan Itoobiya ayaa arrimaha faraha la soo gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here