Abwaan Sangub Oo Goor Dhow Ku Geeriyooday Magaalada Addis Ababa

0
124

War Goordhow naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa waxaa uu sheegayaa in saakay halkaasi Isbitaal ku yaalla uu ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdullahi Ciise “Sangub”.

Abwaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay gudaha Magaalada Addis Ababa,isla markaana saakay uu ugu geeriyooday xanaanukaas haayay.

Geerida Allaha u naxariistee Sangub ayaa waxaa xaqiijiyay Abwaanka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Xirsi Dhuux Maxamed.

Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise “Sangub ayaa waxaa uu ahaa Nin Caan ah,kaasi oo gayiga Soomaaliyeed siweyn looga yaqaanay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here