YAA AFDUUBTAY Baarlamaankii Magaca u yeelka ahaa ee Soomaaliya ka dhisnaa?Muudey mise Mahad, Warbixin xasaasi ah

0
343

Ilamaa iyo markii idibada loo taagay Baarlamaanka Soomaaliya waxa isu soo maray dhowr gudoomiye halka labada nin ee kala ah Mahad Cawad iyo Cabdiwali Muudeey ayan ka tanaasulin hogaanka Golaha Barlaamaanka.

Labadaan shaqsi ayaa waxa ay qayb ka yihiin qorshaha lagu burburinayo Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya. Muudeey iyo Cawad ayaa waxa ay BFS u arkaan aalad lagu ganacsado oo ah tahay in lacag laga sameeyo. Waxa ay abuuraan xaalado samaaxayo in ay iibsadaan sharafta iyo karaamada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Labadaan qof ayaa ku sifoobeen astaamo khatar ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed;

Waa ganacsato ka beecmushtarta hogaanka Baarlamaanka: Ku dhawaad labaatan sano waxa ay lacag ku qaadanayeen isku dirka iyo kala geynta hoogaanka baarlamaanka, xubanaha baarlamaanka iyo madaxda dowladihii dalka soo maray. Arintaan ayaana u saamaxday in khilaaf-kastaa oo ay ka dhex abuuraan baarlamaanka ay isla ayagu keenaan qariidadii lagu xalin lahaa qilfaakaas taas oo inteeda badan ku saleysan lacag iyo ganacsi siyaasaseed.

Beecinta sharafta iyo Karaamada Umadda Soomaaliyeed: Inta ay ka tirsanaayeen hogaanka Baarlamaanka waxa ay waqtigooda inta badan galiyaan in ay xiriir la sameeystaan qaar ka mida hogaanka dalka ka jira ayaga oo kula heshiiya in ay marsiinayaan baarlamaanka Soomaaliya xeer kastaa amaba mooshin kastaa oo ay ka rabaan BFS iyaga oo ku badalanaya dhaqaale, mansab iyo dano u gaar ah beelaha ay ka dhasheen.

Qayaanadda iyo ka dhex abuuritaan jawi dagaal baarlamaanka dhexdiisa: Iyaga oo u arka in ay dantooda dhaqaale ku jirto in barlamaanka laga dhex oogo dagaal siyaasadeed ayaa waxa ay waqti badan galiyaan in ay xaalado ka dhex abuuraan baarlamaanka.

Ka hortaga dadka aqoonta u saaxibka ah: Waxa ay waqti badan galiyaan in hogaanka baarlamaanka laga ilaaliyo dad tayo leh oo keeni kara in ay kula tartamaan hogaanka Baarlamaanka ama ka hor imaan-kara danahooda gaarka.

Marka aad dib u jaleecsato taariikhda uu soo maray baarlamaanka Soomaaliya, Muday iyo Cawad waxa ay qayb ka ahaayeen qalalaase ama khilaaf kasta ee ka dhex dhashay dowlada iyo Baarlamaanka ama Baarlamaanka dhexdiisa. Laga soo bilaabo burburkii dowladii Shiikh Sharif iyo Cumar Cabdirashid ilaa dagaalka lagu bixiyay Gudoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari.

Dhanka kale labaad shaqsi ayaa waxa ay ku jiraan dhowr shirkaadood oo qandaraasyo ka qaata xukuumada uu hogaanka u hayo Xassan Cali Kheyre. Sidoo kale waxa ay qaataan mushaar dheeraad ah oo ay ka qaataan xukumadda iyaga oo difacaya danaha Xassan Kheyre.
Kama xishoodaan musaqa iyo arimaha dhibaataynaya qaranimada umadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku faanaan in Baarlamaanka Soomaaliya u xiran yahay labadooda. Gabar ka mida xildihibanada Fedaraalka oo ka gaabsatay in aan magaceeda sheegno ayaa tiri “.. Dadku waxa ay ku eedeynayaan Dowlada in ay burburisay Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya laakiin aniga waxaan idiin sheegayaa labadaas mooryaan (Muudeey iyo Cawad) ayaa Baarlamaanka Soomaaliya god ku riday”.

Hadii la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya xur noqdo isla markaana noqdo hay’ad u adeegto danaha Soomaaliya waa lama huraan in Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya laga xurooye labadaas nin oo aaminsan in ay Baarlamaanka Soomaaliya xoog ku haystaan. Su’aashu waxa ay tahay goormee laga xureeynayaa Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya labadaas dalaal?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here