WAA LA BOOBSIINAYA si doorasho loogu galo,Shidaal iib ah haddii aad rabto ka doono Xafiiska PM Kheyre waa qiimo jaban

0
203

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sii xoojisay ololaheeda ku saabsan soo bandhigista daraasadda sahanka Gaaska Somalia, Qandaraas bixinta soo saarista shidaalka lagu tuhumayo inuu ku jiro Badda Somalia, iyadoo xaalada u muuqato mid la boobsiinayo iibinta shidaalka ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lacagta ka soo baxaysa doorasho lagu galo, wax walba oo iibinta ku saabsan qiimo jaban ayaa lagu bixin doona, waana hamiga ugu weyn PM Kheyre howsha xaraashka.

Qorsha xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ka mida qabanqaabada laba shir oo ka dhacaya dalalka Turkiga iyo Mareykanka, waxaana lagu soo bandhigi doonaa daraasadii Shirkadda Spectrum Geo ee sahanka laga qaaday Badda Somalia ee ku teedsan Gobolka Mudug ilaa J/Hoose.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayuu ku sheegay in Shirka koowad lagu qabanayo Turkiga, islamarkaana ay ka qeyb geli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas, oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.
Shirka labaad ayuu sheegay inuu ka dhacayo dalka Mareykanka, kasoo isna ay ka qeybgeli doonaan Shirkadaha waaweyn ee caalamka, ujeedkuna yahay soo bandhigidda shidaalka laga sahmiyey Badda Somalia si loogu helo maalgelin caalami ah.

Dhowaan ayay ahayd markii Wasaaradda batroolka Somalia iyo Shirkadda Spectrum ay samaayeen website gaar u ah macluumaadka Qandaraasyada lagu bixinayo soo saarista shidaalka Somalia iyo xilliyada ay ku beegan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here