Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan

0
126

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay magaalada Makkah Al-Mukarama, iyadoo shirkan diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka.
Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah.

Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa tan iyo markii ay soo gaareen dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here