Farmaajo oo iclaamiyay kulanka wadatashiga Galmudug iyo beelaha Galmudug oo ka soo horjeestay

0
310

Madaxweyne Farmaajo oo caawa iclaamiyay kulan uu ku sheegay in uu yahay kulan wadatashi oo looga arinsanayo sidii loo qaban lahaa doorasho lagu badalo Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf.
Kulanka uu ku dhawaaqay Farmaajo ayaa lagu waday in uu habeen danbe ka dhaco Xarunta Villa Soomaaliya. Kulanka ayaa waxa lagu martiqaaday wakiilo ka socda 11ka beelood ee ka soo jeeda degaanka Galmudug. Beelkastaa ayaa laga codsaday in ay soo dirsato 12 qofood oo kulanka uga qaybgasho.

Beesha Sacad oo yeelatay kulan hordhac ah ayaa ka hortimid kulankaas oo ay beeshu ku tilmaantay kulanka burburinta Dowlad Goboleedka Galmudug. Farmaajo ayaa soo wakiishay Janaraal Cabdiwali Gorad iyo Senator Cabdi Qaybdiid in ay beesha ku ganciyaan ka qayb-galka kulanka. Cabdi Qaybdiid ayaa markii uu ogaaday shacuurta beesha Sacad halka ay mareyso ka dhuuntay kulankii beesha Sacad.

Beelaha kale oo ay ku jiraan Waceysle, Dir, Saleeban, cery iyo beelaha kale ee ku dhaqan degaanka Galmudug ayaa ku gacan seeyray casuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa caawa waxaa loo sheegay in uu ceeb kala kulmayo habeen danbe hadii uu shirka beelaha Galmudug uu isku dayo in uu qabto. Waxaa loo sheegay in ayan jirin beelo imaanaya shirkaas. Dadka qaar ayaa kula taliyay Farmaajo in kulankaas la keeno dad magac u yaal ah oo aan wax talo iyo mansab ku lahaynin beelaha dhexdooda si loo muujiyo in aan la baajinin kulankii uu iclaamiyay.

Dhanka kale qaar ka mida xildhibaanada ka soo jeeda beelaha degan Galmudug ayaa kula taliyay Farmaajo in uu habeen danbe isugu yeero xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda Galmudug si ceebtiisa loo asturo. Waxaan iyadana shaki ku jirin in xildhibaanada laba gole eeu tagi doonin Farmaajo ay noqon doontaa wax ka yar 20 qof.

Farmaajo ayaa waxa ka go’an in uu deegaanka Galmudug u magacaabo shaqsi uu isaga keensaday kaas oo fulinaya danaha gaarka ah ee uu ka leeyahay Dowlad Goboleedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here