XILDHIBAAN DHUXULOW oo la kulmay Dhalinyarada iyo aqoonyahano Soomaaliyed, Daawo Sawirada

0
234

Dhalinyarada kulanka lagu casuumay waxaa ku jiray tiro ka mid ah kuwii codkooda siiyay Xildhibaanka ee ku soo doortay magaalada Cadaado 16-kii November sanadkii 2016, xilligaas oo ay eheyd waqtiga la soo dooranayay Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka 10-aad.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo sidoo kale xilal kala duwan dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay ayaa dhalinyarada uu casuumay warbixin guud ka siiyay xaalada dalka iyo dadaalada loo soo galay dowladnimada, wuxuuna dhalinyarada ku baraarujiyay inay kaalin ka qaataan dhismaha dalka.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa lagu xusuustaa doorkiisa dhiira gelinta dhalinyarada iyo taageerada uu u fidiyo dadka qaba baahiyaha gaarka, waxaana uu 10kii sano ee la soo dhaafay uu ahaa Xildhibaan ka muuqda xildhibaanada kale ee dalka, marka loo eego sida uu ugu dhow yahay Bulshada.

Inta la galay bishan barakeysan ee Ramadaan waxaa dhacay dhowr kulan oo ay sameeyeen Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ay kula kulmayeen dhalinyarada ay kursiga ku matqlaan, iyagoo warbixino ka siinayay xaalada guud ee dalka iyo howsha ay hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here