Wasiir Goodax oo is casilaadiisa ku xiray Wasiirka Amniga Ducaale

0
276

RW Kheyre aya ka codsaday Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre in uu iscasilo si xal loogu helo kacdoonka ardayda ee laga joojiyay imtixaanadii ay geli lahaayeen. Ciidanka dowladda ayaa dilay dhowr arday oo mudaaharaadayay maanta kadiib markii ay ardayda ka biyo diideen go’aan ka soo baxay wasiir Goodax.

Waxaa isa soo taraya cadaadiska lagu hayo in uu iscasilo Wasiir Goodax. Wasiir Goodax ayaa u sheegay RW Kheyre in uu diyaar u yahay in uu iscasilo haddii uu sidoo kale is casilo Wasiir Ducaale oo masuul ka ah fashilka amniga oo Muqdisho kaliya ay ku dhinteen 10 kun dad ka badan ayuu yiri Godax.

Waxaa hadda shir albaabada u xiran yahay ku wada jira Wasiirk Goodax RW Kheyre iyo MW Farmaajo waxaana la filaayaa in saacadaha soo socda ay ka soo baxaan go’aanno. Goodax aya ku adkeysanaya in Ducaale iyo isagaba ay hal meel isku casilaan sida NEWSOMALI ay u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Kheyre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here