Dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay go’aan siyaasadeed tallaabadii Kenya ku hakisay duulimaadyadii tooska ahaa

0
190

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aankii ay gaartay dowladda Kenya ee ay ku hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan siyaasadeysan.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa lagu sheegay in duulimaadkii Muqdisho ee loo leexiyay Wajeer ay u aragto mid culeys lagu saarayo dhaq dhaqaaqa Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in tallaabada Kenya qaaday aanay u wanaagaaneyn xiriirkii derisnimo iyo is afgaradyadii labada dowladood ka dhaxeeyay ee Ganacsiga iyo isu socodka labada shacab.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here