NISA oo soo bandhigtay Sawirrada labo Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

0
67

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay sawirada labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo todobaadyadii la soo dhaafay isku soo dhiibay Ciidamada.
Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in 9 Sarkaal ay todobaadyadii la soo dhaafay iska soo dhiibay Gobolka Gedo.

Inkastoo aan magacyadooda la soo qorin hadana waxaa la sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen Maktabka Dacwada (Propagan-dada) iyo Maktabka Fursaanul Xizbiga.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab waxay iska dhiibeen magaalooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana saraakiishaas diyaarado lagu keenay magaalada Muqdisho oo ay la wareegtay Taliska NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here