MADAXWEYNE FARMAAJO oo xalay laga hor istaagay in kulan dadweyne ku qabto Garoowe, Halkee uu Madaxweyne ka yahay ?

0
242

Maamulka Puntland ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka joojisay kulan dadweyne oo xalay ka dhici lahaa hotel ku yaalla magaalada Garoowe.

Waarka ayaa sheegay in kulankan ay soo qaban-qaabisay xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo ka furan magaalada Garoowe, kaasoo ku saabsanaa, hannaanka Doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah, waxaana kulankaasi amar ku bixiyey in la joojiyo madaxweynaha Puntland, taasoo keenay in Hotelka shirku ka dhici lahaa iyo dadkii soo abaabulay ay joojiyaan kulanka.

Puntland ayaa ku doodeysa in shirkaasi uu ahaa mid aan lagu soo wargelin, isla markaana aysan jirin wax laga hadli karo oo heshiis lagu yahay xilligan oo uu magaalada Garowe ka socdo shirka wadatashiga ee madaxda dowladda Somalia iyo maamul Goboleedyada.
Tan iyo intii wafdiga madaxweyne Farmaajo tegay magaalada Garowe waxaa socday olole uu maamulka Puntland kula jiro taageerayaasha dowladda Soomaaliya oo maalintii soo dhoweynta madaxweynaha loo diiday inay isu soo baxaan ama jidadka lagu arko, waxaaa lagu dalbaday ciidamo kala erya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore magaalada Muqdisho shirar sidan oo kale ah uga joojisay xisbiyada siyaasadeed qarkood, laakiin arrinta ka dhacday Garowe waa mid ugub ah oo aan weli lagu arag madaxweyne dal oo laga joojinayo ka qeybgalka shirar iyo isku imaadyo ka dhacaya maamul ka tirsan dowladii uu madaxda ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here