SIYAASIYIIN MUCAARAD AH oo Nairobi shir uga furmay, Daawo Sawirada

0
152

Siyasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ah oo ka horjeeda madaxda dowladda Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka oo ka furmay Hotelka Pan Africa ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo dhibaatadda dhinacyada amniga iyo siyaasadda, waxaana ka dhex muuqday xubno ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, guddoomiyaha xisbiga Ileys Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadii KMG ahayd ee Cabdinuur Maxamed, C/raxmaan C/shakuur iyo xubno kale.

Xubnahan ayaa si wey Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here