Dahab qiimihiisu dhan yahay 25 milyan doolar ayaa la sheegay in Soomaaliya uu u yaallo Mareykanka

0
200

Dalka Soomaaliya burburkii ka hor wuxuu ka mid ahaa dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan caalamka, waxaa jirtay in hanti badan ay dowladdi Soomaaliya dhigatay bangiyada aduunka, inkastoo aysan jirin diiwaan sax ah oo lagu qoray goobaha ay yallaan iyo cadadka hantidaasi dhan tahay.

Waxaa jiro keyd dahab looxaan ah ” Gold Bars” oo Soomaaliya u yaala dalka Maraykanka, kaas oo lagu qiyaasay 25 milyan oo doolar.

”Waa muhiim in qof walba oo Soomaali ah uu ogaado hantida u taala, dahabkan wuxuu yalaa keydka qaranka ee Mareykanka “National Reserve”, dahabkan qayb ahaan waxaa laga dhaxlay Isticmaarkii, markii bangiga dhexe la furay 1961 ayay dawladii Aadan Cabdulle Cismaan hantidan dhigtay aduunka, waqtigaa waxaa la isticmaali jiray Dahab, 1968 dowladii Aadan waxay ku sii dareen Dahab kale, wuxuu ahaa kayd bangiga dhexe u yaalo, dowladii Maxamed siyaad Barre way ka warhaysay, tii Xassan Sheekh sidoo kale, hantidan lama taaban karo, sannad walba waxaa lagu soo daraa xisaab xidhka bangiga dhaxe”. Sidaa waxaa BBC-da u sheegay prof Yaxye Caamir.

Yaxye ayaa sidoo kale sheegay in hanti badan ay siyaabo kala duwan ugu maqan tahay wadamada aduunka.

”Qareeno ayaa soo helay ilaa dhowr iyo tobban milyan, qareenadu waxay qaadanayeen boqolkiiba saddex oo ay qaateen, waxaa jiray lacago yaalay wadanka France oo ay lahayd shirkadii Somali Airline, sidoo kale lacago ayaa jira ay lahaayeen Maraakiibtii Soomaaliya, haddii ay dumeen nidaamkii waxaa loo baahan yahay qareeno soo raadiya hantidii Soomaaliya, waan hubaa in ay jiraan lacago badan oo aan la ogayn”. Ayuu raaciyay Yaxye Caamir.

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa awood loo waayay in la hanto hantidii qaran ee uu waddanka lahaa.

Qalabka ugu muhiimsan ee faraha ka baxay waxaa ka mid ahaa diyaaraddihii Somali Airlines iyo maraakiibtii Soomaaliya.

Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa la sheegay inay ku dambeeyeen dalalka Jarmalka iyo Faransiiska, halka maraakiibtiina ay qaarkood yaalleen dalka Yemen, inkastoo BBC-da aysan xaqiijinin wararkaas.

Dowladihii kumeel gaarka iyo kuwa hada jira ayaa la daala dhacaya daymaha lagu leeyahay Soomaaliya, waxaana laga yabaa in daba galka hantida ka maqan Soomaaliya ay qaadato waqti badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha uu caalamka ku leeyahay, basle waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa sida ay lacagahaas u kordheen waqtigii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, isagoo la filayo inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF, tallaabadaas oo qeyb ka ah dadaalka ay dowladda ugu jirto sidii xal loogu heli lahaa culeyska deymaha, oo hadda gaaray heer aysan Soomaaliya iska bixin karin.

Deynta ay Soomaaliya qaadatay xilligii uu dalka ka jiray xukunkii kacaanka ayaa loo adeegsaday mashaariic kala duwan oo la gudagalay wixii ka dambeeyay 1970-meeyadii.

Bogga looga faalloodo xaqiiqooyinka caalamka ee Index Mundi ayaa lagu daabacay sida uu qiimaha deynta isku baddalay 40-kii sano ee aan la bixinin gudahooda.

Qiyaastii $70 milyan oo doolar ayey lacagtaas ahayd sannadkii 1970-kii halka sannadkii 2011-kiina ay mareysay $1.6 bilyan oo doolar, sida lagu qoray bogga Index Mundi.

Hase ahaatee hadda waxaa deynta Soomaaliya lagu leeyahay lagu qiyaasayaa 4.6 bilyan oo doolar. Waxay dad badan dareensan yihiin in dulsaarka sannad walba fuulayay uu ka batay qiimihii asalka ahaa ee deyntaas.
Maxamed Nuur Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in deymahaas intooda badan ay dowladdii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre qaadatay intii u dhaxeysay 1980-kii ilaa 1990-kii.

“Waxaa deynta inteeda badan la qaatay markii ay dowladdii Siyaad barre u wareegtay hannaanka hanti goosadka, wuxuu madaxweynuhu heshiisyo lasoo galay bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta ee IMF, waxaana dalka la keenay mashruucyo ay ka mid ahaayeen horumarinta beeraha, ka faa’iideysiga xeebaha iyo kuwo kale”, ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Lacagta deyn ahaanta loo qaatay waxaa ka badan dulsaarkeeda, 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa kusii kordhayay dulsaar, mas’uuliyiinta dowladda ma aysan sheegin wajiyada ay kala leedahay deynta laga cafinayo iyo nooca ay tahay”.

Shuruudaha ku xidhan in deynta la cafiyo

Dhanka kale Caalin ayaa sheegay in cafinta deynta ay ka horreeyaan tallaabooyin laga doonayo in dowladaha ay qaadaan.

“Shuruudaha ugu horreeya ee adduunyadu ay martay, tusaale ahaan waddanka Afqaanistaan, oo deynta qeyb ka mid ah laga cafiyay, waxaa ka mid ah in musuqmaasuqa la xaddido, in la helo dastuur uu waddanka leeyahay oo uu ku cadyahay hannaanka canshuuraha, iyo in waxa lagaa cafinayo ay tahay qeyb ka mid ah, qeybta kalena lagaa rabo inaad awood u yeelatid, ma jirto deyn dhammaanteed la wada cafinayo”, ayuu yidhi.

Sanadihii ugu dambeeyay waxay xukuumadda u xusul duubeysay in xal loo helo dhibaatada deynta, balse wali ma jirto tallaabo la taaban karo oo horumar looga sameeyay arrinaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here