Darawallada BL-ka oo bannaanbax saddexaad ka dhigay Muqdisho & Canshuurtii oo ay diideen

0
139

Darawallada Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Caasiyada ayaa sheegay inay maalin kasta bixiyaan lacag gaareysa 43,000 Sh.So, (2 Doolar) waxayna laba jeer oo ay bannaanbaxeen loo sheegay in arrintooda wax laga qabanayo, balse ay jawaab ka waayeen dowladda, sidaasina ay u xirteen wadadda.

Darawallada ayaa ku dodaya inan canshuur laga qaadin karin iyadoo laga xiray wadooyinka ay ku shaqeyn lahaayeen. Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa la kulmay guddi ka tirsan gaadiidleyda iyagoo lagu qanciyey inay bannaanbaxa joojiyaan arrintoodana xal laga gaari doono, iyadoo gaadiidkii BL-ka ee lagu xiray wadadda Ex Kontrol halkaasi laga qaaday.

Wadooyinka xiran ee Muqdisho ayaa ciriiri geliyay shaqadii gaadiidka dadweynaha, taasoo keentay inay dadku ka hor yimaadaan, iyadoo hay’adaha amniga dowladda aan la ogeyn xilliga magaalada la isu furayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here