Mid ka mid ah Duubabka dhaqanka oo sheegay in la marin habaabiyay kulankii Madaxweynaha

0
170

Wabar Socdaal Raage Wabar Cilfaaf oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Beelaha Muddulood ayaa sheegay in kulan gaar ah oo shalay gelinkii dambe la qaateen Madaxweynaha la marin habaabiyay.

Kulankan ayaa ka dambeeyay markii Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray duubabka dhaqanka, isagoo xusay in xubnaha siyaasadda ku matala beesha ay marin habaabiyeen, isla markaana is hor-taageen markii ay damceen inay ka hadlaan xaalada uu dalka marayo, gaar ahaan Muqdisho.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Dalsan ayuu ku sheegay in ujeedkii kulankaas laga lahaa la marin habaabiyay, iskuna bedelay kulan taageero Madaxweyne, waxaana uu xusay inuu isaga ku dhiiraday inuu ka hadlo xaalada Muqdisho iyo dhibaatada ka jirta, balse xubno ka tirsan dowladda uu kala kulmay colaadin iyo in la af qabto.

Duubabka dhaqanka Beesha Muddulood ayaa ku baaqay in xaalada la dejiyo, waxaana ay ku dhawaaqeen shirweyno looga hadlayo arrimaha Gobolka Banaadir iyo dhibaatada ka jirta.

Madaxda dowladda ayaa looga bartay marka culeys ka soo wajaho Bulshada inay taageero ka raadiyaan Duubabka dhaqanka Beelaha oo u arka inay xaalada ka dejin karaan, waxaana dhowr jeer sidan oo kale la arkay marka xaalado soo wajahaan Madaxda dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here