Baarlamaanka oo la soo xiraayo asigoo wax kulamo ah yeelan , Guddoonka oo Fadhid ka dhigay Baarlamaanka

0
152

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in dhawaan lasoo xiro kulankooda caadiga ah kaasi oo ka qeeyb ah kala-fadhiga 4-aad ee golaha shacabka.

Arrinta yaabka iyo amakaaga leh ayaa waxaa ay tahay mudanayaasha oo aan yeelan kulan muhiim oo kalafadhiga 5-aad ah miyaa lasoo xirayaa,waxaana tan ay cadeeyneeysaa in golaha shacabka ay galeen gacanta xukumada oo ku adeeganeeyso.

Bisha Ramadaan ayaa la fasaxayaa golaha inta aan la gaarin waxaana ka dhiman maalmo kooban oo kaliya,Hogaanka xukumada ayaa culeeys u arko kulamada Baarlamaanka oo la joogteeyo waana sababta maalin walbo mowduuc qalafsan loogu abuuro.

Mas’uuliyadii Xileed ee shacabka ay u haayeen islamarkaana ay u dhaarteen ayeey banaanka iska dhigeen golaha shacabka kuwooda,damiirku ka dhintay sida ay qabaan dad badan.

Umadda Soomaaliyeed ayaa ka dheregsan jalaafada iyo qaab-darada laga dhaxlay golaha shacabka tan iyo markii Maxamed sheikh Cismaan Jawaari meesha laga saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here