Ciidamada Suudaan oo la wareegay xukunka, Xaalad degdeg ah & Madaxweynihii oo la xiray

0
105

Ciidamada Milterigaa Suudaan ayaa ku dhawaaqay in dalka Suudaan uu ka dhacay uu ka dhacay isbedel hoggaamineed, iyadoo la xiray madaxweynihii dalkaasi Cumar Albaashiir.

Bayaan uu akhriyey Wasiirka Gaashaandhigga Suudaan Cawad Bin Cawf ayaa lagu sheegay in la kala diray baarlamaankii, dowladii iyo maamuladii gobollada, lana laalay Dastuurkii dalkaas, iyadoo muddo 2 sano ah si KMG ah ay sii heyn doonaan ciidamadad dalkaasi.

Waxaa dalka Suudaan lagu soo rogay xaalad degdeg ah, iyadoo dhammaan la kala diray maamulkii dowadii hore, waxaana la dhisay Gole Milateri oo dalkaasi xukumi doono muddo 2 sano ah.
Dalka Suudan ayaa bandow lagu soo rogay, kaasoo socon doona muddo 2 bilood ah, iyadoo madaxweynihii hore ay xireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here