FARMAAJO IYO KHEYRE oo Garoowe geyn waayan Cali Gacal Casir.

0
260

Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid Shirka shannaad ee afhayeennada golayaasha sharci dejinta federaalka iyo dowlad-goboleeyadda oo shalay ka furmay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa wada-shaqaynta, iska warqabka iyo xoojinta xiriirka golayaasha.

Sidoo kale waxaa shirka xoogga lagu saari doonaan wax ka qabashada khilaafka golaha shacabka iyo golaha aqalka sare ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo tan iyo sannadkii hore soo jiitamaysay.

Shirkaan waxaa ka maqana Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug  Cali Gacal Casir.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta ayuu sheegay shirka dhankooda ay qaadaceen,islamarkaana wixii kasoo baxa aysan qaadan doonin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamul Goboleedka Puntland uu kaalin ka qaatay sidii Galmudug looga reebi lahaa shirka shannaad ee afhayeennada golayaasha sharci dejinta federaalka iyo dowlad-goboleeyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here