FAHAD YAASIIN oo loo diiday Viisaha Mareykanka, Sababta loo cuskaday ee loogu reebay Wafdiga Kheyre, Warbixin

0
1278

Fahad Yaasiin oo ah Taliyaha KMG ah NISA ayaa loo diiday Viisaha dal ku galka dalka Mareykanka isagoo ka mid ahaa Wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee maanta ku sugan dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya Nairobi, Adis ababa oo Wafdiga Ra’iisal wasaaraha habeenkii xalay ahaa mareen iyo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mareykanka u diidan Fahad Yaasin Viisaha sababo aan weli la shaacinin.

Fahad Yaasin oo ah Milkiilaha Dowladda Farmaajo, kuna xiran Sirdoonka Qadar ayaa lagu eedeeyay mudadii uu siyaasadda ku lugta lahaa falal dilal iyo jir dil loo geystay dad maxaabiis ah sidaas darteedna Mareykanka looma ogola dadka ku eedeysan dambiyada dilka ka midka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin iyo Turjumaankiisa C/llaahi Kulane ay Nairobi ku sugan yihiin kana hareen Wafdiga Ra’iisal wasaaraha.

Mid ka mid ah xubnaha la socda Kheyre ayaa laga soo xigtay in is bedel lagu sameeyay jadwalka kulamada Wafdiga iyo xubnaha Wafdiga , wuuna diiday in wax intaas dhaafsan sheego hase yeeshe waxaa uu inoo xaqiijiyay in Fahad Yaasiin laga reebay wafdiga lamana siinin dal ku galka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here