WASIIR HORE oo farqaha kaga dhegan Wasiirka hadalka u fiirsan Goodax Barre

0
214

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa gef weyn ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, kaasoo ahaa in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay yihiin Al-Shabaab, lana shaqeeyaan.

Juxa ayaa sheegay in hadalka Wasiir Goodax uu yahay eedeyn culus oo u baahan in baaritaan degdeg lagu sameeyo.

“Waa eedeyn kulul oo looga baahan yahay Wasiir Goodax inuu caddeeyo, haddii hadalka Wasiirku run noqdo ma jiri doonto kalsooni dambe oo lagu qabi doono Golaha iyo wuxuu u taagan yahay, haddii kalena Golaha Xukuumadda ayaa sharaxaad laga rabaa”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Xildhibaan Goodax oo aan la gamban hadalka, dhowr jeer oo horayna warar is khilaafsan uga soo yeereen ayaa Xildhibaan ka tirsan ku tilmaamay inuu yahay Al-Shabaab, lana shaqeeyana, kana dambeeyaan amni darada ka jirta magaalada Muqdisho.

Hadalka Goodax ayaa si weyn looga fal celiyay baraha bulshada, waxaana siyaasiyiin badan ku baaqeen in Guddiga Anshaxa Baarlamaanka uu tallaabo ka qaado hadalkaas, maadaama isagoo Wasiir ah ay ka soo yeereen erayo xanaf leh oo aan habooneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here