RA’IISAL WASAARE KHEYRE oo magacabay 3 Wasiir oo cusub

0
139

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyam Xasan Cali kheyre ayaa waxaa uu maanta magacaabay saddex ka mid noqonaya golaha Wasiirada Soomaaliya, kuwaas oo xilalkooda ay banaanaayeen.

Wasiirada uu maanta Ra’iisul Wasaare Kheyre magacaabey ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Dastuurka oo lo magacaabay Saalax Axmed Jaamac, xilkaas oo uu ka geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Kheyre ayaa sidoo kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada u Magacaabay Xildhibaan Sadiiq Warfaa, halka Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh loo Magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Magacaabista uu Maanta sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo xilli uu ku wajahan yahay magaalada Washinton ee dalka Mareykanka, halkaas kula kulmi doona madax ka socota Hay’adda IMF iyo Bangiga Aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here