Maxay tahay sababta Muuse Suudi u diiday inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo, Warbixin

0
383

Madaxaweyna Farmaajo ayaa waxa uu codsaday in uu la kulmo Sanatar Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Farmaajo ayaa u diray Xaaji Muuse koox Sanataris ah iyo ganacsato isaga oo codsaday in ay ku soo qanciyaan in uu la kulmo MW Farmaajo.

Xaaji Muse ayaa u sheegay dadkii loo soo diray in uusan waxba ka qabin in ay wada kulmaan isaga iyo Farmaajo laakiin waxa uu ku xiray sharuudo la kulanka Farmaajo. Xaaji Muuse ayaa waxa uu waydiiyay dadkii loo soo diray in ay damiin ka noqon karaan in wixii lagu heshiiyo uu Farmaajo fulin doono.

Dadkii fartiinta u keenay aya dhamaantood waxa ay ka gaabsadeen in ay qaadaan damiin ah in Farmaajo uu fulin doono heshiiska ka soo baxa wadahdalka. Waxa nasiib xumo ah in dadkii Farmaajo uu soo dirsaday ayan xataa damin ka noqon karin qofka ayaga soo wakiishay.

Xaaji Muuse ayaa u sheegay dadkii fartiinta u keenay in uu yahay qof nabadeed, waqtigiisa uu hada galiyo nabadeen iyo in dowladnimada la taageero. Waxa uu yiri “askar iyo ciidan aan arko waxa iigu danbeeysay mar aan dhawaynin…..waxa aan rabaa waa sharci in lagu kala baxo oo la istcimaalo maxkamad iyo dastuur, ma aqaan waxa uu Farmaajo u diidan yahay in sharciga lagu kala baxo”. Xaajiga ayaa ku daray ” hadii sharciga la diido, waa la iska celinayaa isaga ayaana guran doono miraha uu abuurto… 30 sano waxaan u dagaalamaynay waxa ay ahayd cadaalad, hadii meeshii aan ka nimid la isku dayo in nalagu celiyo waa la iska celihaa… dhulkana anagaa u hareyno ee ogaada”

Xaaji Muuse ayaa ku xiray sharuudo la kulanka Farmaajo taas oo ah “in sida kaliya uu kula kulmayo ay tahay iyada oo beesha uu ka dhashay Farmaajo ee Mariixaan ay joobjoog ka noqdaan wadahadalka labada dhinac”. Xaajo Muuse ayaa yiri ” Hadii sharci dowlo uusan ogolaynin in lagu kala baxo, waxa kaliya ee noo furan waa in lagu kala baxaa dhaqanka qabiilka waa hadii qorshu yahay in si nabad ah wax lagu xaliyo”.

Farmaajo ayaa caawa loo geeyay sharuudaha uu soo jeediyay Xaaji Muuse Yalaxow, waxaana laga sugayaa jawaab ah in uu rabo; in sharci lagu kala baxo oo xaajiga maxkamad la geeyo, in Beesha Mariixaan ay wakiil ka noqdaan wiilkooda iyo in dagaal lagu kala baxo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here