Aljazeera TV oo soo bandhigay Doorka Dahabshiil ee Imaaraadka iyo Somaliland, Daawo Muuqaalka

0
428

Telefishanka Aljazeera ayaa xalay baahiyey Barnaamij muddo la sugayey oo ku saabsan ‘Dagaalka Dekadaha’ ee Geeska Afrika ka socda una dhaxeey dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo quwadaha waaweyn.

Barnaamijka oo lagu magacaabo ”Almasaafa Sifr” wuxuu diirada saaray khilaadkii dhex maray Shirkadda DP World iyo dowaldda Jabuuti oo keenay in dalka Jabuuti laga eryo shirkadda Imaaraadka iyo Heshiiskii uu Imaaraadku ku qaatay Dekadda Berbera oo xaalado musuq iyo damac is balaarin ku wareegsan yihiin.

DOORKII SHIRKADDA DAHAB-SHIIL
Barnaamijka ayaa ogaaday in shirkadda Dahabshiil oo ugu weyn xawaaladaha Geeska Afrika ay ku lug lahayd heshiiska Imaaraadka loogu gacan geliyay Dekadda Berbera, iyadoo si rasmi ah u taageertay, isla markaana website-keeda ay ku baahisay qoraal lagu taageeray heshiiskaasi.
Baaritaanka Aljazeera ayaa lagu sheegay inay shirkadda oo xarunteeda weyn ay tahay Imaaradka ay heshiiska Dekadda Berbera lug ku lahayd, iyadoo uu jiro xiiriir u dhaxeeyay Shirkadda Dahabshiil iyo maamulkii Siilaanyo, Waxaana shirkadda laga baaray is daba marin maaliyadeed iyadoo qof ka mida shaqaalaheeda lagu xiray Xabsiga Guantanamo.

Dahabshiil waxay heshiis la gashay shirkad markii danbe la kala diray oo lagu magacaabi jiray Bell Pottinger kula heshiisay inay Google search ka saarto warbixinadda isku xiraya xabsiga Gauntannamo iyo shirkadda Dahabshiil, si sumcadeeda loo ilaaliyo, shirkadaas oo shaqadaasi u qabatay Dahabshiil. Aljazeera TV ayaa sheegatay in shirkadda ka jawaabin su’aalo ay u dirtay oo ku saabsan doorkeedii heshiiska Imaaraadka ee dekadda Berbera.
XUKUUMADII SIILAANYO
Warbixinta Aljazeera ayaa isku xirtay heshiiska Imaaraadka kula wareegay dekadda Berbera iyo Qoyska Siilaanyo oo ay ku lug leedahay xaaska Siilaanyo iyo ninka uu soddoga u yahay ee C/raxmaan Boorle.

Heshiiska Dekadda Berbera ee lagu wareejiyey Shirakdda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ayaa la sheegay inuu qarsoodi yahay oo Baarlamaanka Somaliland laga qariyey iyadoo loo gudbiyey qoraal afsoomaali ku tarjuman, kaasoo keenay inay isu gacan qaadaan guddoomiyihii golaha wakiilada ee xilligaasi iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo.
DOWLADDA SOOMAALIYA
Dowladda Soomaaliya oo heshiiska Dekadda Berbera ka hor timid ayuu baaritaanka Aljazeera TV sheegay inuu madaxweyne Farmaajo muddo saddex jeer ah ka codsaday dhaxal-sugaha Imaaraadka inuu tusiyo heshiiska rasmiga ah ee dekadda Berbera, balse Imaaraadku aanu codsigaasi aqbalin.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad oo lagi wareystay barnaamijka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharci darro u aragto heshiiska DP World kula wareegtay Dekadda Berbera, isla markaana ay tahay ku xadgudub qaranimada Soomaaliya.

Khilaafka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa weli taagan, wuxuuna Wasiirku sheegay in dowladda Sacuudiga ay u sheegtay inay dhexdhexaadineyso Imaaraadka, balse ay weli wax tallaabo ah qaadin.

Baaritaanka Telefishanka Aljazeera ayaa nuxurkiisu ahaa in la soo bandhigo sida Imaaraadku Carabtu heshiisyo qarsoodi ah iyo adeegsiga dhaqaale ugula wareegayo dekaddaha Geeska Afrika, iyadoo qeyb ka ah dagaalka dalalka dibadda ugu jiraan Dekadaha Geeska Afrika ee Soomaaliya ka mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here