Shirqooladda Dawlada Norwey & Qatar ee Kheyraadka Dalka Somalia! (waxaa fuliyayaal ka ah Hassan Ali Kheyre iyo Fahad Yasin)

0
747

Dowladda Norway ayaa faragelin ku haysa kheyraadka Soomaaliya iyadoo goor walba iyo daqiiqad kasta qarash ku bixinaysa sidii shidaalka Soomaaliya loo xaraashi lahaa, waana mida sababtay in Dowladda Norway mushaar ka madax banaan miisaaniyada Dowladda Soomaaliya siiso shaqaalaha rayidka ah iyo afar ka mid ah lataliyaasha Kheyre oo si gaar ah lacag fara badan loo siiyo bil walba.

Norway waxay kaloo ku guuleysatay in Agaasimaha shidaalka Soomaaliya loo magacabo nin haysta dhalashada Norway kuna beel ah Madaxweyne Farmaajo, taas oo laga lahaa ujeedooyin ka dhan ah qaranka Soomaaliyed.


1- Dawladda Norway waxay aheyd Dawladdii ka danbeysay heshiiskii Afgaradka Somalia iyo Kenya. Heshiiskaa oo labada dawlad ka heshiin waayeen, Baarlamaanka Somalia diiday, hadda dacwada Xuduuda Badda labada wadan hortaalo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ. Kambaniga STATOIL oo Norway baa kamid ah shirkaddaha heshiiska Baarlamaanka kula jira Kenya.
2- Dowlada Norway oo kaashaneysa quwado kale, isticmaalaysana UN-ka baa aheyd maskaxdii ka danbeysay in Somalia loo sameeyo dastuur Federal qabyaaladeysan, qasan oo Soomaalida sii kala fogeeya kadibna Somalia laga saaro ku meel gaarka sanadkii 2012, si Dawladda Norway iyo quwaddaha ka danbeeya u helaan Madax Soomaaliyeed maqaar saar ah oo saxiixooda lagu qaato Kheyraadka Dabiiciga oo ku jira Badda iyo Berriga Somalia.3- Dawladda Somalia oo KMG-ka laga saaray oo uu Madaxweyne Hassan Sheikh hogaaminayeywaxay Dawladda Norway usoo adeegsatay Xasan Ali Kheyre oo ah shaqsi ay soo diyaarsatay, Madax uga soo dhigtay Hayadda NRC, dhaqaale badan soo gelisay uu xiriir dhow la sameeyo Madaxda Soomaalida oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Hassan Sheikh, kadibna Mr Kheyre wuxuu ahaa maskaxdii ka danbeysay Heshiiskii Dawladda Somalia la saxiixatay Kambaniyadda Soma Oil and Gas iyo Spectrum Geo.

4- Dawladda Norway iyo Hayadaheeda oo isticmaalaya Hassan Ali Kheyre waxay maalgelin ku sameeyeen wasaarado kala duwan sida wasaaradda Batroolka, Wasaaradda Kaluumaysiga waxayna qorshayaal ay ka danbeeyeen Somalia loogu biiriyey xiligii Dawladdii hore urur Hayadda FAO Maamusho oo lagu magacaabo Indian Ocean Tona Commission iyadda oo aan la marin Baarlamaanka Somalia.

http://www.iotc.org/news/somalia-joins-iotc-july-2014

5- Dawladda Norway oo heshiis la gashay Dawladda Qatar isticmaalaysana Fahad Yasin waxay Maalgeliyeen Doorashadda Farmaajo oo ay heshiis kula galeen in Kheyre laga dhigo Raisul Wasaare.

6- Dawladda Norway oo isticmaalaysa Qatar iyo wakiilada labada wadan Kheyre iyo Fahad waxay Maalgelisay Heshiiska qeybsiga Kheyraadka Shidaalka oo Baydhabo lagu saxiixay, madaxda Maamuladda lagu siiyey min 500 kun dollar iyo Heshiiska qeybsiga Kheyraadka Kaluumaysiga, Heshiisyaddaa oo aan ilaa hadda labada aqal ee Baarlamaanka Somalia la hor geynin.

https://www.garoweonline.com/en/news/somalia/somalia-to-implement-oil-mining-framework

http://goobjoog.com/english/federal-government-and-regional-states-reach-interim-agreement-on-resource-sharing/

7- Dawladda Norway waxay Maalgelisay sharciga Batroolka oo hadda Baarlamaanka horyaala, sharcigaa oo quburo ay maalgeliyeen diyaariyeen.

8- Dawladda Norway waxay ka shaqeysay in wasaaradda Batroolka agaasime looga dhigo shaqsi kale oo ay soo tababaratay oo Somali-Norwegian ah laguna Magacaabo Karar Dhoomeey.

9- Dawladda Norway oo isticmaalaysa Wold Bank iyo IMF ayaa ah Mida ka danbeysa in warbixino been abuur ah oo horumar dhaqaale ah iyo hufnaan looga gudbinayo Xukuumadda uu hogaamiyo wiilkooda Kheyre, arintaa oo ay ka danbeyso in Somalia Deyn lagu qaato Kheyraadkeeda qoorta loo suro.

10- Dawladda Norway iyo Qatar oo is kaashanaya baa ka danbeeyey qiyaanadda Hassan Ali Kheyre ku sameeyey Madaxweyne Hassan Sheikh, xiliga Doorashada buu Madaxweyne Hasan Ka dhigtay hogaamiyaha Campaign – ka Doorashaddii 2017, wuxuu ahaa shaqsiga la xiriirayey Guddiyada Doorashadda heer qaran iyo heer dawlad Goboleed, xiligaa oo uu ka shaqeeyey inuu soo saaro Xildhibaano badan oo isaga ku xiran una codeeya Musharax Farmaajo, Xubnihii Guddiyada Qaranka iyo Goboladda ee aadka ula shaqeeyey ayuu intooda badan ka dhigtay Shaqaalaha Xafiiskiisa, waxaana kamid ah Avv Omar Dhagey, Keynaan oo hadda ka tagay, Gudoomiyihii Guddiga Doorashadda Jubaland Abdi Ali Rage oo ahaa ninkii kala shaqeeyey soo saarista Xildhibaan Sheikh Nur, Xildhibaan Adan Isaq, Xildhibaan Siraaji AUN.

11- Dawladda Norway, Qatar iyo quwado kale baa ka danbeeyey in Gudoomiyaha Baarlamaanka laga qaado Mohamed Osman Jawaari sharci iyo sharci daraba, Jawaari oo ay u arkeen inuu caqabad ku yahay qorshayaashooda.

Dawladda Norway iyo Qatar oo hadda wiilashooda kala ah Kheyre iyo Fahad Maamulaan Awoodda Dalka baa hadda qorsheynaya in Farmaajo ku sameeyaan qiyaamo ka daran middii Hassan Sheikh Doorashadda 2020 – ka Madax uga dhigaan Somalia Tacbanahooda Xasan Cali Kheyre sidaana ku qaataan kheyraadka dalka xili shacabka Soomaaliyeed Xasuuq ku socdo.

Dawladda Norway baa ah mid Somalia ka fulinaysa qorshayaal halis ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Somalia Joins the IOTC July 2014 | IOTC
On the 22nd May 2014, the Federal Republic of Somalia became the 32nd Member of IOTC, paving the way for better management of highly migratory species in the waters of Somalia.
iotc.org

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here