Farmaajo oo dalbaday in 2 bilood dib loo dhigo fadhiyada baarlamaanka,Aqalka sare, Mursal iyo kuxigeenadiisa oo shir albaabada u xirnaa maanta ka yeeshay…

0
275

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal C/raxmaan, wuxuuna ku wargeliyay inuu dib u dhigo furitaanka kala fadhiga Baarlamaanka sidoo kalena codsigaas uu gaarsiiyay Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha aqalka sare.

Markii Farmaajo codsigaas u soo jeediyay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wararka waxay sheegayan in Mursal ku adkaatay in Madaxweynuhu ka balan qaado dib u dhigista muddo labo bilood ah fadhiga Baarlamaanka.

Mursal ayaa markii uu ka soo baxay kulanka Madaxweynaha la yeeshay waxaa uu telefoonka kula hadlay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka,wuxuuna u sheegay waxaa uu ku soo kordhay furitaanka Baarlamaanka.

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho Mursal iyo labadiisa kuxigeen ayaa maanta kulan albaabada u xirnaa yeeshay waxayna ka doodayan sidii laga yeeli lahaa codsiga Madaxweynaha ee ah in fadhiga Baarlamaanka dib loo dhigo muddo labo bilood ah.

Ilaa iyo hadda lama oga waxaa ka soo baxay kulankooda,laakiin waxaa muuqata in Madaxweyne Farmaajo cadaadis ku saaraya Guddoonka Baarlamaanka in la baajiyo ama dib loo dhigo fadhiyada Baarlamaanka.
Dhinaca kale wax war ah lagama haayo Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha aqalka sare waxaa uu ka yeelayo codsiga Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka welwelsan haddii uu furmo kala fadhiga Baarlamaanka waxaa ka imaan doona.

Farmaajo ayaa doonaya in howlgab ka dhigo labada sano oo dhiman Baarlamaanka iyo aqalka sare si uu danihiisa siyaasadeed u meel marsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here