Madaxweyne Farmaajo oo diiday qorshe lagu sii-deeyn lahaa Muqtaar Rooboow (VIDEO)

0
733

Sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Maamulka K/galbeed waxaa dib u dhacay qorshe la damacsanaa in lagu siidaayo Shiikh Muqtaar rooboow cali oo mudo dhowr bilood ah ku xiran Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in uu diiday in xabsiga lagasoo daayo Muqtaar”Madaxweynaha ayuu u xiran yahaya asiga ayaana diiday” Sidaasi waxaa yiri Suldaan Shariif cali Xassan.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay Suldaan Shariif cali Xassan in Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ay godob ka gashay bulshada reer k/galbeed,kuwaasi oo uu sheegay in dhinac walbo laga dilay.

Sababta ugu weeyn ee Madaxweyne Farmaajo u diiday in lasii daayo ayaa waxaa uu ku sheegay suldaanku in uu ka baqanaayo in Su’aal laga weeydiiyo sababtii markii hore loo xiray.

Muqtaar Rooboow cali ayaa lagasoo af-duubtay Magaalada baydhabo iyadoo la dilay inta badan Ilaaladiisii,asigoo waqtigaasi ahaa musharax u taagnaa xilka Madaxtinimo ee Maamulka K/galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here