HADALKII ilaa iyo xalay ka seexan waayan taageerayaasha Farmaajo, sidoo kalena Farmaajo welwel ku abuuray niyadoodana kor u qaaday taageerayaasha Kheyre, (Dhageyso)

0
333

Waxaa weli socda dagaalka ay taageerayaasha iyo dadka ku beesha ah madaxweyne Farmaajo ka wadaan baraha bulshada ee ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay ku eedeynayaan inuu madaxweynaha qiyaamay.

Weerarkii ugu dambeeyey ayaa shalay galab dib u billowday kadib hadal afka kasoo dafay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Kheyre ugu yeeray madaxweyne, intuu uu ka oran lahaa ra’iisul wasaare. Hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe.

Taageerayaasha madaxweynaha ee weerarka ku haya Kheyre ayaa hadalkaas ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in Kheyre uu yahay musharax madaxweyne, islamarkaana hadalka Axmed Madoobe uusan ahayn wax afka uu ka dafay, balse ah qeyb ka mid ah qorshaha Kheyre uu ku tagay Kismaayo.

Taageerayaashan oo u badan dad ay hagayaan shaqsiyaad danahooda ka waayey Kheyre, iyo kuwa qabyaalad darteed u cabsanaya in Farmaajo kursiga uu waayo, ayaa Kheyre ka dalbaday inuu is-casilo, maadaama uusan daacad u ahayn madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ay inta badan u arkaan nin ka fir-fircoon madaxweynaha kana awood badan, ayay sidoo kale ku eedeeyeen in isbahaysi uu la samaysanayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here