Guddoomiyaha Degmada Hodan oo laga wacay Maxkamad, Haddii uu imaan waayo Maxay tahay tallaabada laga qaadi doona? Qoraalka maxkamada Aqriso

0
302

Guddoomiyaha Degmada Hodan ayaa lagu qasbay inuu maalinta sabtida hor yimaado Maxkamad ku taala Magaalada Muqdisho maalinta sabtida haddii kale talaabo laga qaadi doono.
C/xakiin Dhagajuun Guddoomiyaha Degmada Hodan ayaa dacwad loo haysta sida ku cad qoraal Garsoorka Gobolka Banaadir ka soo baxay, waxaase lagu eedeeyay inuu dhageysan waayay u yeeritaanka ay Maxkamada u yeertay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Xamar ayaa laga dalbaday inuu Maxkamadda horkeeno Guddoomiyaha Degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun.

Guddoomiyaha degmada Hodon oo xilka loo magacaabay bishii July 2018, ayaa lagu eedeeyay inuu hor istaagay dacwad hor taalla maxkamadda Degmada Hodon, isagoo u gefay sharafta Garsoorka, isagoo adeegsanaya ciidamadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here