FARMAAJO oo lacag ku bixiyay in cadaadis lagu saaro PM Kheyre inuu cadeeyo waxaa uu ka aaminsan yahay Axmed Madoobe iyo doorashada. Daawo Muuqaalka

0
431

Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay in uu qarash ku siiyo xubnaha mucaaradka ku ah Maamulka Axmed Madoobe inay dhaliilan socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku tagay Kismaayo isla markaana ku cadaadiyan Mr Kheyre inuu cadeeyo mowqifka doorashada jubbuland ee dowladdiisa taas oo loo arka inay tahay loolan cusub oo Villa Soomaaliya kula jirta Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Maamulka Axmed Madoobe oo isku soo dhawaaday.

Shirkan jaraa’id oo Xubnaha ka hadlay uu ka mid ahaa Xildhibaan C/rashiid Xidig ayaa loogu dan lahaa in cadaadis lagu saaro in Ra’iisal Wasaare Kheyre ka fogaado taageerada Axmed Madoobe, shakigaas oo ay qabto Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa ayaa aad uga carooday qaabkii Axmed Madoobe u soo dhaweeyay wafdiga Ra’iisal Wasaare Kheyre, waxaana jira cabsi Farmaajo iyo taageerayaashiisa ay qabaan in Axmed Madoobe iyo Kheyre isbaheysi doorashada 2020 sameysanayaan.

Villa Soomaaliya ayaa fududeysay qabashada shirkan jaraa’id iyadoo wariyaasha ku wargelinaysay shirkan sidoo kale-na qaar ka mid ah TV yada ku siisay baahinta warkan lacag.

Socdaalka Kheyre ee Kismaayo marna kuma farxin Maamulka Villa Soomaaliya waxayna u arkaan khatar kale oo dhinaca siyaasadda ka soo wajahaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here