DAAWO VIDEO:Madaxweyne Deni “Reer Puntland dulqaadkii waa ka dhamaaday maamulka Hargeysa wuxuu heli doonaa wuxuu naga raadinayo”, Muuqaal

0
170

Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Somaliland ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Sanaag.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay Shirka Jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub oo maanta Talaado ah ka furmay Garowe ayaa digniin u diray maamulka Hargeysa.

Deni ayaa tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ciidamada maamulka gooni isu taaga ah ay kasoo horjeedeen dadaalada nabadeynta gobolka, oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu mar kale ku celiyay in Puntland ay diyaar u tahay daris wanaag iyo nabad ay kula noolaato dhigeeda.

Guud Shacabka reer Puntland ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay si wadajir ah ugu istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen sharaftooda iyo dhulkooda.

“Cidii isku dayda xadgudub, [waxay] la kulmi doontaa waxay kasoo raadisay, wayna ka heli doontaa, haduu [ALLE] idmo,” ayuu madaxwayne Deni raaciyay hadalkiisa.

Ciidamada Somaliland ee fariisimaha ka sameystay qeybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa kasoo baxay jiidda hore ee tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Lama ogga halka ay kusii jeedaan xoogagaasi iyo waxa uu yahay damacooda.

Gobolka Sanaag ee waqoyga dalka Soomaaliya ayaa waxaa qayb kamid ah maamula dowladda Puntland, halka qaybta kale ay qabsatay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here