Taliyeyaasha Ciidamada & Maamulka G/Banaadir oo Yariisow ka mid yahay oo laga sugayo is casilaadooda, Wasiirka Amniga waa laga reebay,(Fariintii Xalay Farmaajo ugu dhiibay kulankii …)

0
229

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan uu isugu yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Afarta Taliye Ciidamada dalka,
Guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaha Booliska G/Banaadir iyo
Taliyaasha Saldhigayada Gobalka Banaadir, isagoo si kulul ula hadlay, kana dalbaday inay casilaan haddii aysan waxba ka qaban karin amniga Caasimadda.

Kulanka oo xalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa si gaara looga hadlay amniga caasimadda ee si xumaanaya, sababaha keenay in waxba laga qaban waayo qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada, waxaana muddo saacado ah la isku weydaarsaday warbixinno keenay inuu madaxweyne Farmaajo si kulul ula hadlo madaxdii shirka ka qeyb gashay, kuna canaanto inay ka gaaboiyeen mas’uuliyadii saarneyd.

Farmaajo ayaa si gaara canaan ugu jeediyey Taliyeyaasha saldhiyada Booliska degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo Mas’uuliyiinta, isagoo ka careysnaa amniga faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, wuxuuna si cad ugu sheegay in dadkii iyo hantidooda ay isku dul baaba’een magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu yeeray haddii aysan waxba ka qaban karin amnigainay xilalkooda banneeyaan.

Amniga Muqdisho oo muddooyinkii damnbe sii xumaaday ayaa keenay in dowlada Federaalka ka gaabsato ka hadalka weerarradda ka dhaca caasimadda, waxaana hadda muuqata in madaxweyne Farmaajo uu amni darrada dusha u saaray maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada Gobolka ka howlgala.

Laakiin Madaxweyne Farmaajo Liiska is casilaada xubnaha laga dalbaday waa laga reebay Wasiirka Amniga oo inta badan dhaliisha loo jeediyay.

Yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mid ah xubnaha laga sugayo is casilaada/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here