GUDDOOMIYE YARIISOW oo lagu amray inuu Xildhibaan Muuse Suudi ka saaro dhul Ciidamada Badda lahaayan, Yaa la siiyay, Hotel Xaaska Madaxweynaha leedahay ayaa laga taagi doona, Ganacsade Gaambe oo isna laga siiyay Hotel Daawo Muuqaalka

0
1091

Ra’iisal Wasaare Kheyr Xassan Kheyre ayaa waxa uu ku amray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yarisow in uu si deg deg ah uga saaro dadka ku jira dhulkii ciidamadii Badda Soomaaliya iyo gurigii taliyaha ciidamada Badda ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Eng Yariisow oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa aqriyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo lagu amrayo dhamaan dadka degen dhismaha xaruntii ciidamada Badda Soomaaliya. Yarisow ayaa amar ku bixiyay in Muuse Suudi uu k baxo dhulka uu ka degan yahay Ciidanka Badda.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku amrayo dhamaan dadka degen inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxaan dhismahaasi, isaga oo sheegay in loo badalay dhul Diblumaasiyadeed, maadaama uu ahaa dhul dan guud ah.

Ma cadeyn waxa uu kaga jeeday Dhul Diblumaasiyadeed, balse wuxuu amray in dhamaan dadka degen ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, isaga oo sheegay in arintaan qeyb ka tahay in safaaradaha loo asteeyo meelo qurxoon.

Degaanka loo diyaariyay in Hotel Ganacsi ah oo ay ku raaxeystaan Safaaradaha ajanabiga laga dhiso mid ka mid ah hoteladaas waxaa dhisanaya Xaaska Madaxweyne Farmaajo halka Kheyre ina adeerkiisa Gaambe ka siiyay degaankaas labo Hotel oo waa weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here