FARMAAJO ma jecelaysan doono qaabka Maamulka Kismaayo sare ugu qaadan soo dhaweynta Kheyre. Beesha Farmaajo oo durba cadaadis bilawday, Daawo Sawirada

0
194

Ma jaceylsan doonaan taageerayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Madaxweyne Farmaajo sida Maamulka Jubbuland iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre isugu soo dhawaanayan, iyadoo la soo sheegayo inuu jiro heshiis is faham ah oo Kheyre la galay hoggaamiyaha Maamulkaas Axmed Madoobe.

Marka aad eegto qaabka soo dhaweynta waxaa ka muuqda calaamado muujinaya in loogu dan leeyahay in xaalada lagu xumeeyo madaxweyne Farmaajo oo colaad ba’an u qabo Maamulka Axmed Madoobe .

Madaxweynaha ayaa aaminsan in beeshiisa lagu dulmiyay Kismaayo.

Waxaa shaki laga muujiyey sida maamulka Jubbaland u sare ugu qaaday soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha, iyadoo aysan magaalada ka muuqan sawirrada madaxweynaha Soomaaliya; waxaana hore u jiray in taageerayaasha Farmaajo ay ka hor yimaadeen safarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here