7 bilood ayay ku qaadatay Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre inuu Kismaayo tago

0
176

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyr ayaa goor dhaweyd gaaray maagalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubaland.

Waxana Ra’isul Wasaaraha garoonka magaalada ku soo dhaweeyay madaxweyne Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe).

Ra’isul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa inay goor dhaw beerta xoriyadda kula hadlaan qaar kamid ah dadweynaha Kismaayo.

Kaddibna ay yeeshaan kulamo albaabadu u xiran yihiin oo lagu gorfeynayo xal u helista xiriirka labada dhinac ee xumaaday sanadkii hore.

Ra’isul Kheyre waxa Kismaayo uga sii horeeyay illaaladiisa gaarka ah iyo koox weriyayaal ah oo laga qaaday Muqdisho si ay u soo tabiyaan wararka la xiriira safarkiisa.

Safarka Kheyre ee Kismaayo ayaa durba dood ka dhex dhaliyay baraha bulshada ee Soomaalidu kuwada xiriirto, waxana la arkayay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka oo aragtiyo iska soo horjeeda ku soo bandhigayay barahooda Facebook iyo Twitter kuwaas oo la xiriirra booqashashada Kheyre ee Kismaayo.

Xubnaha qaar ayaa taageerayay booqashada halka qaar kale ay dhaliilayeen.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu qof madax ah oo ka tirsan Dawladda Federaalka uu ku tago Kismaayo tan iyo markii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyadu uu ku dhaawaqay inuu joojiyay wada shaqayntii kala dhaxaysay Dawladda Dhexe bishii September 2018-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here