Imaaraadka Carabta oo caro ay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u qabaan uga xadgudbaya midnimada Soomaaliya, (Muuse Biixi qaabka loo soo dhaweeyay)

0
216

Waxaa maanta ka degay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta Madaxweyne dalka goonida isku taagay ee Somalind. Madaxweyne Muse Biixi oo laba mar horay ugu tagay dalka Imaaraadka ayaan waxaa markii ugu horeeysay lagu soo dhaweeyay maamus ka duwan qaabkii hore ee loogu soo dhaweeyn jiray.

Madaxweyne Muuse ayaa waxaa la siiyay maamus buuxa oo la sii lahaa madaxweyne kastaa ee ee taga dalka Imaaraadka Carabta. Isbadalkaan ayaa u muuqda mid ka tarjumaya xiriirka gaar ka ah ka dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.

Dhanka kale soo dhaweynta Muse Biixi ayaa waxa ay fartiin cad u direysaa dowlada Soomaaliya oo ah in Imaaraadku uu si toos ah ula macaamiltamayo Somaliland isla markaana uu ka caawin doonto Somaliland in ay hesho aqoonsi caalami ah.

Sababta Imaaraadka sidan u yeelayan waxay tahay xiriirka Farmaajo, Fahad Yaasiin kala dhaxeeya Qadar oo Imaaraadka cadow isku yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here